4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 4 , 2015
Howlgal ka bilowday Jidka isku xira Beledweyne & Buula-burte oo kawada tirsan Gobolka Hiiraan


Talaado, Ogoosto 04, 2015 (HOL) — Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo is-garabsanaya ayaa subaxnimadii hore ee saakay ka dhaqaaqay mgaalada Beledweyne, iyagoo kusii jeeda Saldhigyada Al-shabaab ay ku leeyihiin Deegaannada Beledweyne iyo Buula-burte u dhexeeya.

Ciidammada oo ku hubeysan gadiidka dagaalka ayaa intooda badan la sheegay in ay ku lugeynayaan Waddada laamiga ah, iyadoo Howl-galka ay Qayb ka yihiin Diyaaradaha Dagaalka, kuwaasoo la arkayay iyaga oo ku dul-wareegaya deegaannada ay ku wajahan yihiin ciidammada.

Mid ka mid ah Saraakiisha Qaybta ka ah Howl-galka ayaa HOL u Sheegay in Ujeeddada Socdaalkooda yahay siddii dib gacanta Dowladda FS loogu soo celin lahaa koontaroolka waddada dheer ee xiriirisa labada magaalo, gaar ahaan waxaa uu carabka ku dhuftay in ay ku wajahan yihiin saldhigyo muhiim ah oo ay Al-shabaab ku leeyihiin deegaannada Booco iyo Halgan.

Odayaal iyo Waxgarad ayaa iyaguna Qayb ka ah howlgalkan, kuwaa oo sida la sheegay in Ujeeddadoodu tahay in aan wax Xad-gudub ah lagula kicin Shacabka Deegaannada Bar-tilmaameedku yahay ku nool, madaama laga yaabo in mar marka Qaar ciidammada wax-yeello kasoo gaarto dadka Rayidka ah.

Inkastoo Al-shabaab lagala Wareegay Degmada Buula-burte Bartamihii Sannadkii hore in ay dhaafay, Haddana muddo dheer waxay maamulayeen koontaroolka waddada isku xirtay magaalooyinka Beledweyne iyo Buula-burte, taa oo sababtay in Buula-burte gasho go'doon saameyn ku yeeshay nolasha dadka shacabka ah.

Ugu dambeyn, Illaa iyo Hadda lama soo Sheegin wax Dagaal ah oo dhacay, Hase ahaatee Ciidamada ayaa u muuqda kuwo ka foojigan Weerarro ay kala kulmaan ururka Al-shabaab oo muddo dheer fariisimo ku lahaa deegaannada ay hadda Howl-gallada ka Billowdeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya