4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 4 , 2015
BEESHA CAALAMKA: Waa Qasab in Soomaaliya ay Doorasho ka Dhacdo Sannadka 2016-ka


Talaado, Ogoosto 04, 2015 (HOL) — Qaramada Midoobay, Urur-goboleedka IGAD, UK, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Maraykanka ayaa War-saxaafadeed ay si Wadajir ah u soo saareen kaga hadlay Natiijada Caalamku ay ka filayeen Somalia, marka laga hadlayo Arrimaha Doorashooyinka Sannadka 2016-ka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu Sheegay in Beesha Caalamku ay Gar-waaqsan tahay inaan Waqti Kordhin loo sameyn karin Dowladda Federaalka Somalia, loona baahan yahay inay Doorashaddu ku dhacdo Waqtigeeda.

“Waxaan Garwaaqsan-nahay Muhiimadda ay leeyihiin Qodobada ku jira Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM ee Tirsigiisu yahay 2232 (2015) kana hadlaya Muhiimadda ay leedahay inaan la kordhin xilliga uu Dastuurku siinaayo Hay’adaha Fulinta iyo Sharci-dajinta dalka Somalia," ayaa lagu yiri War-sxaafadeedka.

Sidoo kale, Beesha Caalamka ayaa Xustay inay Ogsoon yihiin in aysan Doorasho Qof iyo Cod ah ka dhici karin Somalia xilligan, balse ay u baahan yihiin in la helo Qaab doorasho oo ka miisaan-weyn midii dhacday Sanadkii 2012-kii, isla markaana ay ka wada-tashadaan Dowladda Federaalka iyo Maamullada Xubnaha ka ah.

“Hadda waxaa si dhaqso leh loo doonayaa inaan soo dhaweyno ballan-qaadkii la sameeyay ee ahaa in ugu dambeyn 15-ka Ogoosto, 2016-ka lasoo Gunaanado Qorshe-hawleed Hufan oo ku Aaddan sidii wadatashi heer Qaran looga samayn lahaa Geeddi-socodka Doorashada 2016-ka. Geeddi-socodka aan ka hadlaynaa waa inuu ahaadaa mid ku Qotoma Aragtiyada dhammaan dadka ay Arrintani khuseyso, gaar ahaan Baarlamaanka Federaalka Somalia iyo Mas’uuliyiinta maamulada dalka ka jira. Waxaan ku Guubaabinaynaa dhamaan dhinacyada inay si dhab ah oo deg-deg ah u soo Gaba-gabeeyaan Shaqada; kaddibna ay kaalin buuxda ka Qaataan Wadatashiga Qaranka,’’ ayaa mar kale War-saxaafadeedka lagu yiri.

Dhanka kale, Beesha Caalamka ayaa War-saxaafadeedkooda ku sheegay inay si dhow ula socon doonto hadba sida ay wax u socdaan, ayna Taageerayaan inay doorasho ka dhacdo Somalia Sannadka 2016-ka.

Ugu dambeyn Muhiimadda War-saxaafadeedka Beesha Calaamka ayaa ahaa inay Beesha Caalamku sinnaba ku ogolaanayn in muddo kordhin loo sameeyo Dowladda Federaalka ah ee hadda shaqeynaysa, ayna doonayaan inay doorasho laga wada-tashtay dalka ka dhacdo.

Si kasta oo ay tahay, Hadalka Beesha Caalamka ayaa kusoo beegmaya waqti ay dhawaan shaaciyeen Hay’adaha Fulinta iyo Sharci-dajinta Somalia ay Sheegeen in Dalka aysan ka dhici karin doorasho xor ah marka la gaaro sannadka 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya