4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 4 , 2015
Sarkaal ka Tirsan Hay’ada Mine Action oo lagu Dilay degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir


Talaado, Ogoosto 04, 2015 (HOL) — Kooxo Hubeysan ayaa Maanta Sarkaal ka Tirsanaa Hay’adda Mine Action oo Baarista Miinooyinka iyo Walxaha Qarax u qaabilan Qaramada Midoobay ku dilay Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir, iyadoo sarkaalka lagu soo koobay magaciisa Aweys.

Dilka Sarkaalka ayaa waxaa geystay kooxo hubeysan, kuwaasoo la sheegay in ay markiiba goobta ka baxsadeen, iyadoo Goob-joogayaal ku Sugnaa Xaafadda uu dilka Sarkaalkan ka dhacay ay sheegeen in sarkaalku uu goobta lagu toogtay ku geeriyooday.

“Sarkaalkan waxaa lagu dilay xaafadda Gahayr ee degmada Xamar-jabab, koox hubeysan ayaa toogtay, markii dilkeenna way baxsadeen,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa oo la hadlay Warbaahinta.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in sarkaalkan la dilay uu ka tirsanaa Ciidanka Booliiska Somalia, balse Hay’adhaa Amniga weli kama aysan hadlin Dilkiisa, sidoo kalena ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkiisa.

Al-shabaab ayaa horay u sheegan jirtay dilalka noocan oo kale ah, balse iyaduna weli kama aysan hadlin inay ka dambeysay dilka sarkaalka iyo in kale, iyadoo la sheegay in sarkaalku uu ka tirsanaa Qaybta Koonfurta iyo Batamaha Somalia ee Hay’adda Mine Action.

Ma jirto cid kale oo lala dilay sarkaalka, iyadoo dilkan uu imaanayaa waqti ay Toddobaad ka hor Al-shabaab Weerar Ismiidaamin ah oo aan noociisu horay uga dhicin Somalia ay la beegsadeen Hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn, Maamulka Degmada Xamarjajab ayaa Xaqiijiyay dilka Sarkaalkan, iyagoo xusay inay faahfaahin ku saabsan dilkiisa dib kasoo sheegi doonaan, sidoo kalena hadda ku raad-joogaan kooxihii dilkiisa geystay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya