4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 4 , 2015
Kenyatta oo Warqadihii Aqoonsiga Safiirnimo ka Guddoomiya Danjiraha Somalia ee Kenya (SAWIRRO)


Talaado, Ogoosto 04, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa Maanta oo Talaado ah ka Guddoomay warqadihii aqoonsiga safiirnimo, Danjiraha Somalia ee dalka Kenya, Jamaal Maxamed Xasan iyo shan danjire oo kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa danjire Jamaal Maxamed u magacowday Safiirka Somalia ee Kenya bishii Maarso ee sannadkan 2015-ka, isagoo wixii maanta ka dambeeya bedelaya danjirihii hore ee Somalia u joogay Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameerika oo muddo sannado ah xilka hayay.

Xaflad kooban oo lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada Kenya ayaa danjire Jamaal Maxamed looga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga, waxaana goobjoog ka ahaa wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya, Aamina Maxamed iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda Kenya.

Safiirka Somalia ee Kenya ayaa xirnaa dharka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalia, isagoo Kulan gaar ah la Qaatay Madaxweynaha dalka Kenya, kaddib markii uu ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga, iyagoo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada waddan u dhexeeya.

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale Xafladda kaga Guddoomay Aqoonsiyadii danjirenimo ee safiirrada Waddamada; Ukraini - Yevhenii Tsymbaliuk, Brenda Muntemba - Zambia , Erasmo Roberto Martinez - Mexico, Yahel Vilan - Israel & John Michael Haule - Tanzania.

Uhuru Kenyatta ayaa hadal uu goobta ka jeediyay kaga ballan-qaaday safiirada dalalka uu maanta Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay inuu ka Shaqeynayo Xoojinta Xiriirka kala dhexeeya Waddamadaas iyo dalkiisa Kenya.

“Dhammaantiin waan idin soo dhaweynayaa. Dowladda Kenya waxay ku han-weyn tahay in Waddamada aad danjirayaasha u tihiin ay si dhow ula shaqeyso; si loo xoojiyo xiriirka nagala dhexeeya waddamadiinna si shacabku u kala faa’iideystaan,” ayuu yiri Kenyatta.

Ugu dambeyn, Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa hadal uu jeediyay ku xusay inay kala shaqeynayso dowladda Soomaaliya Dalka ay Dariska yihiin ee Kenya Dagaalka Kooxaha Argagaxisada ah oo uu xusay inay dhibaato ku hayaan labada dalka ee Somalia iyo Kenya.

Si kasta oo ay tahay, Kenya Waxaa Somalia kaga Sugan Kumannaan Askari oo ka Tirsan Howl-galka Ururka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM), kuwaas oo Bishii hore kala Wareegay Al-shabaab Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya