4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 4 , 2015
Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Maamulka Jubbaland oo Maanta la Magacaabay (SAWIRO)


Talaado, Ogoosto 04, 2015 (HOL) — Fadhi ay Maanta yeesheen Xubnaha Baarlamanka Jubbaland ayaa waxaa looga dhawaaqay Guddiga Qaban-qaabada Doorashada Madaxnimo ee Jubbaland, iyadoo sidoo kale Baarlamaanka uu Jawaabay ka bixiyay Codsi kaga yimid Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam.

Guddoomiyaha Baarlamanka Jubbaland, Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan oo khudbad ka jeediyay fadhigii Baarlamaanka ee maanta ayaa ugu horreyn wuxuu uga jawaabay codsi uga yimid Madaxweynaha Jubbaland, kaasoo ahaa in dib loo dhigo xilliga doorashada oo uu madaxweynuhu xusay inuu aad u dhow yahay isla markaana ay adagtahay in la isku diyaariyo.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay inaan wax waqti kordhin ah la sameyn doonin, isagoo xusay in doroashadu ay ku dhici doonto xilligii loo asteeyay oo ah 15-ka bishan Aug, 2015.

Guddoomiyaha ayaa goobta kaga dhawaaqay gudiga doorashooyinka, kaasoo ka kooban sagaal xubnood oo kala ah:

1. Xabiibo Max'ed Cabdulle                      Guddoomiye
2. Axmed Cabdixafiid Maxamed               Guddoomiye ku xigeen
3. Xuseen Xirsi Axmed                              Xoghayn
4. Cabdi Maxamed Cabdi                           Xubin
5. Cismaan Xuseen Rooble                        Xubin
6. Bashiir Axmed Cumar                           Xubin
7. Xasan Xaaji Maxamuud                        Xubin
8. Axmed Ismaaciil                                   Xubin
9. Cabbaas Cali Ibraahim                          Xubin

Intaa kaddib ayuu Guddoomiyuhu cod u Qaaday Guddiga Cusub ee uu ku dhawaaqay, Waxaana xubnaha Baarlamaanka Jubbaland ay codka aqlabiyad ah ku meel-mariyeen Xubnaha Guddiga Doorashada ee Maanta lagu dhawaaqay.

Dhinaca kale, Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Max'ed Islaam (Sh. Axmed Madoobe) ayaa Maanta u Ambabaxay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, iyadoo la filayaa in wafdiga madaxweynaha uu sidoo kale gaaro degmada Baardheere oo dhawaan lagala Wareegay Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya