4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 4 , 2015
Dhaqdhaqaaqe dhinaca Xuquuqda Aadanaha ah oo lagu dhaawacay Magaalada Bujumbura


Talaado, Ogoosto 04, 2015 (HOL) — Ruux u dhaqdhaqaaqa Xaquuqul Insaanka Burundi ayaa si xun loogu dhaawacay weerar loogu geystay Magaalada xarunta ah ee Bujumbura. Wuxuuna dilkan imaanayaa maalin kaddib markii Bujumbura lagu dilay sarkaal sare oo sirdoonka dalkaas ka tirsanaa ahaan ma’suul si weyn ugu dhow madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza.

Ergayga Mareykanka ee Burundi ayaa sheegay inuu aad uga naxay Weerarkaas ka dhanka ah dhaqdhaqaaqahan Xuquuqda Aadanaha ah, kaasoo uu xusay inuu si casbi la’aan ah u difaacayay caddaaladda.

Pierre Claver Mbonimpa ayaa waxaa toogasho ku dhaawacay nin hubeysan oo saarnaa dhug-dhugleey xilli uu kusii jeeday Gurigiisa oo ku yaalla mid ka mid ah xaafadaha magaalada Bujumbura.

Sidoo kale, Mbonimpa ayaa difaaci jiray Xaquuqda Maxaabiista iyo Arrimo kale; isagoo taas sumcad kaga helay calaamka oo dhan. Isagoo haatan Isbitaal ku yaalla Caasimadda Burundi looga daweynayo dhaawicii soo gaaray.

Mas’uuliyiinta Burundi ayaa kal hore ku baaqay in la muujiyo xasillooni, iyagoo ka digay Weerarro Aar-goosi ah kaddib dilkii loo geystay Jenaraal Sare oo lagu Magacaabi jiray, Adolphe Nshimi-rimana.

Dalka Burundi ayaa muddo bilooyin ah waxaa ka jirtay Xasillooni-darro kaddib go’aankii Madaxweyne Nkurunziza ee ahaa in uu mar saddexaad u Tartamayo xilka madaxweynenimada.

Ugu dambeyn, Pierre ayaa ku guuleystay doorashadii bishii lasoo dhaafay, dalka Burundi ka dhacday, inkastoo ay guushaas qaadaceen mucaaradka iyo xubnaha Beesha Caalamka oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya