4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 4 , 2015
Eedeymo ku saabsan Dacwadda loo haysto Shirkadda Sahminta Shidaalka ee SOMA OIL & GAS


Talaado, Ogoosto 04, 2015 (HOL) — Khubaro ka tirsan Guddida QM ee Qaabilsan cunno-qabatayta ayaa ku eedeeyay shirkadda Som Oil & Gas oo dalka Britain laga leeyahay inay lacago aad u badan siinayaan Mas’uuliyiinta Wasaaradda Shidaalka ee Soomaaliya, taasoo halis keeni karta in danuhu iska Hor-yimaaddaan, ayna muuqato in laaluush la siiyay mas'uuliyiin sar-sare.

Warbixinta Guddiga QM oo ay Reuters soo xiganaysay ayaa lagu sheegay inay shirkadda SOMA Oil bixisay illaa 600,000 oo doollar, taasoo qayb ka ah dadaallo ay doonayso inay ku ilaashato, isla markaana ballaadhiso heshiiskeeda ku aadan sahminta shidaalka ee ay Wasaarada Shidaalka Soomaaliya la gashay Sannadkii 2013-kii.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in in Shirkadda SOMA Oil ay sidoo kale siisay lacag dhan 495,000 oo doollar Qaryaqaan la taliye u ahaa Xukuumadda Somalia, intii uu wada-xaajoodku socday.

Xafiiska baarista wax-is-daba-marinta ee dalka Britain oo loo yaqaanno SFO ayaa billlabay baaris lagu sameynayo shirkadda, iyadoo dowladda Somalia ay ku dhawaaqday shalay inay gacan ka geysanayso baarista lagu sameynayo shirkadda SOMA OIL & GAS.

Warka ayaa intaas ku daray in Xafiisyada ay shirkaddan ku leedahay London lagu sameeyo baaritaanno kala duwan, inkastoo xafiiska SFO uusan shaacin eedaha loo haysto shirkadda, balse waxay xuseen inay ku lug yeelatay Musuq-maasuq baahsan.

Dhanka kale, Afhayeen u hadlay shirkadda SOMA OIL & GAS ayaa sheegay inaysan wax musuqmaasuq ah ku lug lahayn, heshiiskii ay la galeen Xukuumadda Somalia ay ahaayeen raalli ka ahaauyeen mas’uuliyiinta dowladda Somalia.

Reuters oo warbixintan daabacday ayaa waxay sheegtay in wasiirka Batroolka & Macdanta Somalia uu diiday inuu wax jawaab ah ka bixiyo arrintan muranka dhalisay, Laakiinse Wasaaradda ayaa shalay baahisay heshiiskii horay loola galay shirkadda SOMA OIL.

Madaxa fulinta Shirkada SOMA OIL, Robert Sheppard ayaa u sheegay guddiga Qaramada Midoobay in lacagaha la bixiyay ay qayb ka ahayd heshiis ay dowladda Somalia codsatay in laga caawiyo, kaasoo ay qayb ka yihiin in loo shaqaaleeyo loo siiyo khuburo Soomaali ah si ay wax badan uga bartaan cilmiga Geology-ga iyo soo saarinta shidaalka.

Guddiga Baarista QM ayaa sheegay in Hheshiiskan Kobcinta Awoodda uu Qayb ka yahay Qandaraas ay siisay shirkadda SOMA OIL, kaasoo laga ilaalinayo cid walba oo dhaawici karta. Sidoo kale Guddigu waxay sheegeen in heshiiskan uu yahay mid musuqmaasuq ku dhex abuuraya hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, shirkadda SOMA OIL & GAS ayaa waxaa madax ka ah Michael Howard oo ahaa Hoggaamiyihii Xisbiga Conservative-ka ee dalka UK, kaasoo uu kaga Guuleystay hoggaamintiisa sannadkii 2005 RW Britain, David Cameroon.

Si kasta oo ay tahay, SOMA OIL ayaa waxay heshiis la gasha dowladda Somalia sanadkii 2013-kii, kaasoo Qodobbadiisa ay Qayb ka ahaayeen inay baaris Shidaal ku sameyso dhul dhan 60,000 KM oo ku yaalla Soomaaliya oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya