4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 3 , 2015
Ahlusunna Waljamaaca oo Xukunno ku Ridday Suxufiyiin ay Maanta Maxkamad soo Taageen


Isniin, Ogoosto 03, 2015 (HOL) — Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa maanta Xukunno ku Ridday Afar Wariye oo ay Maanta lasoo taagtay Maxkamad ku taalla degmada Dhuuso-mareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud.

Wariyeyaashan ayaa waxaa midkiiba lagu riday laba bilood oo xabsi ah, marka laga reebo Gabar Wariye ahayd oo ka mid ah Afarta Wariye ee maanta ay Maxkamadda soo Taagtay Ahlusunna Waljamaaca.

Saddexda Wariye ee Xukunka lagu riday ayaa waxay kala yihiin;

1. C/llaahi Warsame Rooble oo u shaqeeya Idaacadda Kulmiye
2. Cabdi Jamaal Macallin Axmed oo u shaqeeya Radio Bar-kulan
3. Bashiir Maxamed Salaad oo u shaqeynayay Horn Cable TV

Maxkamaddu waxay amartay in la sii daayo Wariye Leylo Nuur Cilmi oo ka howl-gasha Idaacad ku taalla degmada Dhuuso-mareeb.

Sidoo kale, Dadkii Maxkamadeynta Goob-joogga ka ahaa Maxkamadeynta afarta wariye ayaa Buuq Sameeyay, kaddib markii Garsooruhu Amray in Wariyeyaasha Xukunka lagu riday dib loogu celiyo Xabsiga.

Dhanka kale, Waxaa dib loo dhigay Maxkamadeynta Maxamed Cabdi Maxmed oo ka mid ahaa wariyeyaashii ay xirxirtay Ahlusunna, kaasoo u shaqeeya idaacada Codka Bartamaha oo muddo laba casho ah hawada ka maqnayd, isagoo haatan ku jira Isbitaal.

Ugu dambeyn, wariyahan ayaa la sheegay inuu ku jiraday xabsigii uu ku xirnaa; iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay Ahlusunna Xukunno noocan oo kale ah ku riddo Wariyeyaal ka howlgala deegaannada ay maamusho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya