4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 3 , 2015
SAYLICI: Waa inaan u Diyaar-garowno sidii aan 20,000 Qoys u gaarsiin lahayn Cunno Deg-deg ah


Isniin, Ogoosto 03, 2015 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa ku baaqday in kaalmo deg-deg ah u baahan yihiin 20,000 oo qoys oo ay Saamaysay Abaarta baahsan ee ka jirta Gobolada Galbeedka Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylic ayaa sheegay in muddo sideed bilood ah aanay roobabkii gu’u helin deeganadda abaaruhu ku dhufteen, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in gurmad degdeg ah la gaadhsiiyo dadkaasi reer guuraaga iyo beeralayda iskugu jira.

“Waxaanu ugu baaqayna bulshada Somaliland guddo iyo dibadba,hay’addaha caalamiga ah,  iyo waddamada aynu saaxiibada nahay in hawshaas gurmad degdeg ah laga galo oo nalaga caawiyo. Xukumad ahaan waxaanu diyaar u nahay inaanu qaybtayada ka qaadanno” ayuu yidhi Saylici oo ka hadlayey abaaraha kajirta goboladda qaar, waxaanu intaas ku daray  “Umadda reer Somaliland ganacsatada iyo cid walba waxaanu ka codsanaynaa inaynu isku naxariisanno oo u diyaar garowno gurmad degdeg ah oo dadka lala gaadho waxay cunaan. Waxaa lagu qiyaasay in dad labaatan kun oo qoys lagu qiyaasay maanta cunto u baahan yihiin gobolada Galbeedka, markaa dibaddu wakhti bay inagu qaadanay-saaye waa inaan u diyaar garowno sidii aynu degdeg ugu gaadhsiin lahayn 20,000 qoys cunto degdeg ah”.

Sidoo kale, Guddiga Abaaraha ayaa iyaguna xusay in abaartan saamaysay noloshii dadkii miyiga ku dhaqnaa, waxanay xukuumadda iyo hay’adaha gargaarka bixiya ugu baaqeen inay kaalin mug leh ka Qaataan Quudinta Dadkaasi Xoolihii ay ka laayeen Abaaruhu.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland