4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 3 , 2015
HRW oo ka Hadashay Dilal loo Geysay Saraakiil ka tirsan Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee Masar


Isniin, Ogoosto 03, 2015 (HOL) — Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ka Hadashay dil loo geystay sagaal qof oo ka tirsanaa Ururka Ikwaan Muslimiin ee dalka Masar, iyadoo HRW ay ku tilmaantay dialkaas ay ahaayeen kuwo sharci-darro ah.

Billowgii bishii hore ee July ayaa waxaa lagu dilay dalka Masar Sagaal sarkaal oo ka mid ah Hoggaanka Ururka Ikhwaan Muslimiin; iyagoo joogay dhisme weyn oo Caasimadda Masar ku yaalla; kaddibna ay ciidamadu ku toogteen halkii ay ku qabteen.

Goob-joog u Warramay HRW ayaa Sheegay in Xubnahan ay Ciidamadu ku Weerareen halkii ay joogeen, kaddibna ay toogteen, balse Xukuumadda Masar ayaa ku andacoonaysa inay xubnahaas ay ku dhinteen dagaal iyaga ciiidamada Masar dhexmaray.

Sidoo kale, HRW ayaa sheegtay inay diiwaan-galiyeen kaalinta ay ciidamadu ku leeyihiin dilalka Qarsoon, iyagoo ka codsaday Xeer-ilaalinta Masar in baaritaan madax-banaan laga furo dalkaas, ciidamada dilalkan ku lugta lehna Maxkamad lasoo taago.

Afhayeen u hadlay Ururka Ikhwaanka, Maxamed Muntasir oo la hadlay Telefishinka Al-Jazeera ayaa sheegay in Dadkaan la dilay ay ahaayeen kuwo hubeysan sida Xukuumadda Masar ay ku andacoonayso.

Muntasir ayaa intaas raaciyay in sagaalka qof ay ka mid ahaayeen Ikhwaanul Muslimiinka Masar oo ah koox lagu daba-jiro, isla markaana ay Xukuumaddu ku tilmaantay inay yihiin Argagaxiso oo dalkaas laga mamnuucay.

Kooxdan Dadka ah ee la laayay Waxaa ka mid ahaa, Naasir Al-Xaafi oo Xildhibaan Hore ahaa, isla markaana ahaa Qareen. Iyadoo dadkan intooda badan la sheegay inay ahaayeen Qareenno iyo Dhakhaatiir.

Dhanka kale, Ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in haddii ay sii socdaan dilalka Qarsoodiga ah ee lagu hayo Hoggaankooda aysan gacmaha ka Laaban doonin, isla markaana la Gaari doono Waqti aan Carada Dadka la Dulminayo la xakameyn karin.

Ugu dambeyn, Ururka ayaa sheegay inay Baqdin weyn ku hayso Dilalka Qarsoon ee ay ku hayso Xukuumadda Masar ee uu hoggaaminayo Jen. Al-Sisi oo xukunka ka tuuray madax-weynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee shacabka Masar ay soo doortaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya