4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 3 , 2015
Ciidamada Millateriga Dalka Nigeria oo Boko Haram kasoo Furtay Dad ay Afduub ahaan u Haysteen


Isniin, Ogoosto 03, 2015 (HOL) — Ciidamada Millaterig dalka Nigeria ayaa sheegay inay xoog kaga soo furteen shalay Kooxda Boko Haram 178 Ruux, kaddib markii ay u dhaceen kaamam ay dadkan ku haysteen oo ku yaalla Gobolka Borno oo kooxdu ay weerarro badan ka geysatay sannadihii lasoo dhaafay.

Afhayeenka Millateriga Nigeria, Col. Tukur Gusau ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dadka ay soo furteen ay 101 ka mid ah ahaayeen carruur, halka 67 ka mid ah ay ahaayeen Haween iyo 10 Rag ah.

Sidoo kale, Gusau ayaa intaas ku daray in Howlgal ay ka Sameeyeen Magaalada Bama oo Qiyaastii 700-KM u jirta Magaalada Maiduguri oo xarun u ah Gobolka ku yaalla Koonfur-bari dalka Nigeria.

“Diyaaradaha dagaalka Nigeria aroornimadii hore ee Axaddii shalay duqeymo ka geystay Deegaanno ay ku Xooggan tahay Kooxda Boko Haram, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Bitta iyo deegaanka kale ee Sambisa oo ah dhir-badan,” ayuu ku yiri Afhayeenku hadalkiisa.

Bitta ayaa wxay galbeed kaga taallaa Galbeedka Magaalada Gwoza oo ku dhow xadka ay wadaagaan Nigeria iyo Cameroon, halkaasoo la rumeysan yahay inay tahay xarunta ugu weyn ee Boko Haram ay ku leedahay dalkaas.

Millateriga Nigeria ayaa Toddobaadkii lasoo dhaafay sheegay inay 71-qof oo u afduubnaa kooxda Boko Haram ay. Inkastoo weli ay Boko Haram gacanta ku hayso 200 oo gabdhood oo ciyaal iskuul ahaa, kuwaasoo ay afduubeen bishii Abriin ee Sannadkii 2014-kii.

Goobjooge ku sugan deegaanka Malari oo ka tirsan gobolka Borno ayaa sheegay in kooxda Boko Haram ay Axaddii ku dileen deegaankooda 13-qof, kaddib markii ay weerar xooggan kusoo qaadeen Axaddii shalay.

Sidoo kale, Moha Saleh oo Beeraleey ah kuna nool isla deegaankaas in Weerarkaas ay ku dhaawacday Kooxda Boko Haram dad ka badan 27-qof, isagoo intaa raaciyay inay kooxdu duulaan kusoo gashay deegaankooda 1:00 habeenimo Habeennimadii Axaddii shalay.

“Boko Haram waxay gubtay guryo ku yaalla deegaanka Malari, kuwaasoo ay ku eedeeyeen dadkii degenaa inay Warbixinnada ku saabsan meesha ay joogaan ay u gudbiyaan Ciidanka Nigeria,” ayuu hadalkiisa ku daray Moha Saleh.

Dhanka kale, Mid ka mid ah Shacabka ku nool Deegaanka Goni Musi ayaa isna intaas ku daray in dhimashada ay intaas ka badan tahay, Shacabka deggenna ay cabsi xoog leh lasoo daristay.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xillli ciidamada dalka Nigeria ay dhowr deegaan oo ay ka saareen Kooxda Boko Haram, kuwaasoo ay ku qabsadeen Weerarro dhowr ah oo sanadihii lasoo dhaafay ay ku Qaadeen.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha dalka Nigeria, Muhammadu Buhari ayaa sheegay markii la doortay inuu Cirib-tiri lahaa kooxda Boko Haram isagoo kaashanaya 8,700 oo askari oo ka socda dalalka Cameroon, Niger, Chad, iyo Benin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya