4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 3 , 2015
Xukuumadda Britain oo Sharciyo Adag kusoo rogtay Tahriibayaasha soo galaya Waddankeeda


Isniin, Ogoosto 03, 2015 (HOL) — Xukuumadda Britain ayaa ku dhawaaqday Qorshayaal ay dad dhul haysta oo Mas'uul ka noqda ka Saaridda Guryaha Dadka Tahriibayaasha ah ee Magan-gelyo doonka haddii codsiyadooda la Aqbali waayo.

Wasiirka Bulshooyiinka UK, Greg Clark ayaa sheegay in Milkiilayaasha dhulalka ee aan la socon dadka ay guryaha ka kireystaan la xiri doono muddo shan Sannadood ah.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Sharcigan uu Qabanayo dadka guryaha iska leh ee lacagta ka sameeya soogalootiga sharci-darada kusoo gala dalka Britain.

Hadalka Mas'uulkan ayaa imaanaya iyadoo ay kor u sii kacayso Walaaca ka dhashay tahrii-bayaasha ku sugan Magaalo xeebeedka Waddanka France ee Calais, kuwaasoo isku dayay dhawaan inay Britain u soo gudbaan.

Maalintii Axadda ahayd ee lasoo dhaafay ayuu Wasiirka Cadaaladda iyo Tahriibayaasha ee dalka Sweden, Morgan Johansson cambaareeyay hadal uu Ra'iisul wasaaraha Britain David Cameroon uu ku sheegay in dadka doonaya inay Britain soo galaan ay yihiin kuwo Sharci-daro ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka Bulshooyinka Britain ayaa sheegay inay Waajib tahay in marka hore la dhageysto codsigooda dadka Magan-galyo doonka ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya