4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 3 , 2015
Ahlusunna oo Maxkamad soo Taagtay Wariyeyaal ay dhawaan ku xirtay Degmada Dhuuso-mareeb


Isniin, Ogoosto 03, 2015 (HOL) —Degmada Dhuusamareeb ayaa waxaa xilligan ka socota maxkamadeynta Afar Wariye oo ka mid ahaa Shan wariye oo dhawaan ay Xabsiga dhigtay Ahlusunna Waljamaaca, kuwaasoo xalay damaanad ahaan lagu sii daayay.

Wariyaasha Maxkamadda lasoo taagay ayaa waxay kala yihiin: C/llaahi Warsame Rooble oo u shaqeynayay Radio Kulmiye, Leylo Nuur Cilmi oo ka tirsan Radio ku yaalla degmada Dhuuso-mareeb ku taalla, Cabdi Jamaal Macallin Axmed oo u shaqeeya Radio Bar-kulan iyo Bashiir Maxamed Salaad oo isaguna u shaqeeya Horn Cable TV.

Sidoo kale, Wariye Maxamed-deeq Cabdi Maxamed oo u shaqeeya idaacadda ku hadasha afka Dowladda Federaaka Somalia ee Radio Muqdisho oo ka mid ahaa wariyeyaashii ay xirtay Ahlusunna ayaa la sheegay inuu yaallo Isbitaal, kaddib markii uu ku xanuunsaday Xabsiga.

Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in Suxufiyiinta loo diiday inay goobjoog ka noqdaan maxkamadeynta wariyeyaashan, iyadoo aan la ogeyn go’aanka ay laga qaadan doono Wariyeyaashan.

Ugu dambeyn, Suxufiyiintan ayaa waxaa loo xiray kaddib markii ay Su’aallo ka keeneen is-diiwaan-gelin uu Maamulka Ahlusunna ku amaray, inkastoo xubno ka tirsan Ahlusunna ay sheegeen inay baahiyeen warar siyaasadeed oo iyaga kasoo horjeeda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya