4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 3 , 2015
Mid ka mid ah Waxgaradka Soomaalida Hambalyo u diray Shacabka iyo Maamulka Puntland

Isniin, Ogoosto 03, 2015 (HOL) — Xasan Maxamed Siciid Gacaliye oo Hogaamiyeyaasha Bulshada Soomaaliyeed ka mid ah ayaa ugu Hambalyeeyay Maamulka Puntland, Kaddib Markii ay u dabaal-dagtay Puntland Sannad-guuradii 17-aad ee kasoo wareegtay Aasaaska Puntland oo ku beegmayd 01-dii bishan Ogoosto.

Gacaliye oo ka mid ah Waxgaradka Reer Caabud-waaq oo ka tirsan Gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia ayaa sheegay inuu bogaadinayo Nabadda iyo Waxqabadka ay ku tallaa-bsadeen Maamulka iyo maamulka Puntland, isagoo ugu baaqay inay sii xoojiyaan Nabad-galyada deegaannadooda ka jirta.

Sidoo kale, Siyaasigan ayaa ku boorriyay Madaxda & Shacabka Puntland in ay ilaashadaan Wada-noolaashahooda, ayna gacan ka Geysataan sidii loo Xoojin lahaa Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuu kaloo Gacaliye ka hadlay khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo Xusay in loo baahan yahay in si Wadajir ah loogu soo Wada-jeesto danta dalka iyo ummadda Soomaaliyeed, lana xalliyo khilaafka jira.

Ugu dambeyn, Xasan Gacaliye ayaa ku boorriyay dhamaan Ummadda Soomaaliyeed in si Wadajir loogu istaago dhismaha Somalia iyo sidii Ummaddu ay xoogga u saari lahaayeen nabadeynta dalka oo kawada dhexeeya.

Si kasta oo ay tahay, Hambalyada Siyaasigan Soomaaliyeed ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Maamulka iyo Shacabka Puntland ay u Dabaal-dageen Sannad-guuradii 17-aad ee Kasoo Wareegtay Aasaaskii Puntland oo ku beegnayd 1998-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya