4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 3 , 2015
Madaxweynaha Puntland oo Mar kale Cafis u fidiyay Qofkii Al-shabaab ah oo isku soo dhiiba


Isniin, Ogoosto 03, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay cafiskii ugu danbeeyay u fidinayso dagaal-yahanada ka tirsan Al-shabaab ee wali ka dagaalamaya buuraha Gal-gala ee gobolka Bari.

“Waad la socotaan waxaa in badan Puntland dhib ku hayay cadow Soomaaliyeed kan ugu dharbaaxada kulul waana Al-shabaab ,walina ciidamadeenu dagaal ayey kula jiraan ururkaas “ ayuu yiri madaxweyne Gaas oo la hadlayay boqolaal dadweyne ah.

“Dabcan marar badan ayaan ku celceliyay, cid kasta oo diyaar u ah inay ka Tanaasusha fikirkan qaldan ee ka soo horjeeda Diinta Islaamka waxaan diyaar u nahay inaynu soo dhaweynno “ ayuu mar kale yiri madaxweynaha Puntland.

Waxaa madaxweynuhu uu sheegay in muddo 30-cisho ah loo qabtay xubnaha ka tirsan ururkaas in ay isugu soo dhiibaan ciidamada Puntland, waxaana uu sheegay in dagaalo kala duwan oo dhex-maray Puntland iyo Al-shabaab ay guulo ku gaareen.

“Ciidamada Puntland waxaan ka dalbanayaa in ay u fududeeyaan cid walba oo rabta in ay isa soo dhiibto oo aan laga hor-istaagin cafiskan “ ayuu mar kale yiri madaxweynaha Puntland oo sheegay in dagaal-yahanada Al-shabaab ay u badan-yihiin dad deegaanka ka soo jeeda.

Ugu danbayn,C/wali Gaas ayaa ku goodiyay in marka ay dhamaato mudadan ay bilaabi doonaan dagaal xoogan oo ka dhan ah ururka Al-shabaab ee saldhigyada ku leh buuraha gobolka Bari ,waxaana dagaalo labada dhinac horey u soo dhex maray ku geeriyooday dad ka badan 50 qof.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]