4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 3 , 2015
Ururka P.A.Y oo Magaalada Nairobi kusoo Xiray Seminar 21 Maalmood Socday (SAWIRRO)


Isniin, Ogoosto 03, 2015 (HOL) — Kooxda Nabadda iyo Wacyi-galinta Dhalinyarada ee Magacooda loosoo gaabiyo P.A.Y (Peace and Awareness Youth Group) ayaa shalay waxey ku soo gaba-gabeeyeen magaalada Nairobi aqoon kororsi socday mudo 21 cisho ah, kaasoo arday tiro badan ay ka faa'ideysteen culuum Diini ah oo lagu baraynaayay.

Guddoomiyaha Ururka P.A.Y Mustafa Wayrax oo hadal ka jeediyay Xafladii xiritaanka, ayaa sheegay in ujeedada loo dhisay ururkooda ay tahay xoojinta dhalinyarada iyo ka wacyi galinta falalka xun xun. Wuxuu sidoo kale Guddoomiyuhu tilmaamay in aqoon kororsigaas uu soo biloowday bishii aynu soo dhaafnay ee Ramadaan.

"Waxaan ku faraxsanahay in si guul ah uu ku dhamaaday Siminaarkii noo soo billowday Bishii Barakeysneyd ee Ramadaanka. Ku dhowaad Toddobo boqol arday, ayaa xaafadda Eastleigh (Islii) oga faa'ideysatay halka Labo Boqol oo arday ka badana ay Xaafadda South C. oga faa'ideysteen waxbarashadii Diiniga aheyd ee aqoon Seminar-kaas lagu qaadanaayay", ayuu yiri Mustafa Wayrax oo sheegay in ururkoodu uu horay u qabtay ilaa 16 Siminaar oo wacyi-galin ahaa laga soo bilaabo sanadii 2011 oo ay howl bilaabeen iyo sanadii 2013 oo ay si sharci ah u dhaqan galiyeen barnaamijkooda wacyi-galinta.

Dhanka kale, Madaxda Xaafadda Islii oo ay ka mid yihiin Wakiilka Golaha Deegaanka ee Waqooyiga Eastleigh Cusmaan Cadoow Ibraahim iyo Guddoomiyaha nabad-galyada Eastleigh Ahmed Mohamed (Ahmed Security), ayaa ka qeyb galay Xafladaas oo sidoo kale ay joogeen Masuuliyiin kale oo uu kamid yahay Al-Amin Kimathi oo ah sharci yaqaano u dhaq-dhaqaaqo xaquuqda dadka Kenyaanka ah. Waxaana dhamaan masuuliyiintaas ay oga digeen dhalinyarada Soomaaliyeed iney ka fogaadaan wax kasto oo dhibaatooyin abuuri karo.

Najmo Mukhtaar Xasan oo ka mid ah ardaydii ka faa'ideysatay aqoon kororsigaas, ayaa Hiiraan Online u sheegtay iney aqoon fiican oo dhanka Diiniga ah ka heshay Seminar-kaas oo ay sheegtay in lagu baray  Axaadiith, Fiqi iyo Thiqaafa Islaamiyah, sidoo kalana loo qabtay Muxaadarooyin iyo Cilmi baaris.

Najmo, waxey intaas ku dartay in loo sameyay baaritaano caafimaad oo bilaash ahaa iyo la talin ku saabsan aqoonta iyo caafimaadka, intii uu socday Seminarkaas oo ay sheegtay inuu ka koobanaa Daruus Diini ah iyo Dood Cilmiyeedyo.

Si kastaba ha ahaatee, Aqoon kororsigaas oo uu soo gaban-qaabiyay ururka PAY, ayaa waxaa casharo ka bixinaayay Wadaado caan ah oo ay ka mid yihiin:- Sheekh Maxamed Cabdi Umal, Sheekh Maxamuud Maxamed Shibli, Sheekh Maxamed Cusman iyo Imaamka Masaajidka Jamiya Sheekh Maxamed Suwaale.

Ururka Nabadda iyo Wacyi-galinta Dhalinyarada ee PAY, ayaa wuxuu ka mid yahay ururada ka jiro wadanka Kenya wuxuuna ka wacyi galiyaa dhalinyarada wax yaabaha xun xun sida Maandooriyayaasha; (Qaadka, Sigaarka iyo Shiishada), sameynta dhibaatooyinka, Tahriibka, Qabyaaladda iyo Aqoon la'aanta, wuxuuna sidoo kale ka qeyb qataa gurmadka dadka tabaaleysan.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya