4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 3 , 2015
Kooxda OHIO TMT oo ku Guuleystay Koobkii Somali-Week iyo Jawaari oo Koobka Guddoonsiiyay (SAWIRRO)


Isniin, Ogoosto 03, 2015 (HOL) — Tartankii ciyaaraha Somali-Week ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Toronto ee dalka Canada, kuwaasoo billowday 25-kii July illaa 03-da August – 2015-ka oo maanta ah. Iyadoo koobka ay ku guuleystay Koox ka socday Gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.

Ciyaaraha Somali-week ee sannadkan ayaa muhiim u ahaa Sannad-guradii 25-aad ee kasoo wareegtay aasaaska Somali-week, iyadoo la aasaasay Sannadkii 1990-kii. Waxaana Nasiib u yeeshay inuu koobka guddoonsiiyo kooxdii guushu raacday Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, waxaana Goobjoog ka ahaa Ciyaartan RW Hore ee Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Sidoo kale, Tartankan ayaa waxaa si gaar ah loogu Maamuusayay Sannadkaan Macallin Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Toronto, kaasoo lagu magacabi jiray, Abshir Xasan Axmed. Iyadoo ciyaarahan uu soo qaban-qaabiyay Ururka TODAY oo ka dhisay Toronto.

Tartankan ayaa waxaa ka Qayb-galay 12-kooxood oo kuwa Kubadda Cagta ah, kuwaasoo ka kala yimid; Washington DC iyo Columbus, OHIO oo Mareykanka ku yaalla iyo sidoo kale, Magaalooyinka Ottawa iyo Toronto ee dalka Canada.

Ciiyaartii kama dambeysta ahayd ee tartanka Somali-Week ayaa waxaa isku arkay kooxaha Banaadir oo ka dhisan Toronto & OHIO TMT oo ka dhisan magaalada Columbus ee gobolka OHIO ee dalka Mareykanka; waxayna guushu 3-2 ku raacday kooxda OHIO TMT. Iyadoo dhammaadkii ciyaarta uu roob ka da’ay garoonka, kaasoo sababay in ciyaartu ay hakad-gasho daawadayaasha qaarkoodna ay ka baxaan garoonka.

Dhanka kale, Ciyaartan ayaa waxaa barbar socday ciyaar kale oo u dhexeysay ciyaartoyda da’adoodu ka yar tahay 16-ka sano, iyadoo ay xusid mudan tahay in Waaliddiin fara badan ay soo raacaan Caruurtooda si ay Cayaarta u daawadaan uguna dhiiri-galinyaan caruurtooda.

Waxaa xusid mudan in Abaalmarin ku aadan ciyaaryahankii ugu fiicnaa intii ay ciyaaruhu socdeen la siiyay Cumar Maxamed Cumraani oo u ciyaaryay Kooxda koobka qaadday ee OHIO TMT.

Ugu dambeyn, Tababaraha Kooxda OHIO TMT, C/fataax Atlanta oo Hiiraan Onliine u Warramayay ayaa sheegay in kooxdan ay dhisnayd muddo shan sano ah; ayna ku guuley-steen laba koob, wuxuuna xusay in ciyaartoyda kooxdan ay Qaar ka mid ah u ciyaari karaan Xulka Qaranka Soomaaliya.

Afhayeenka Ururka Qabanqaabada Tartanka Somali-Weeks, Baashi Cali Baashir ayaa isna HOL u sheegay in ciyaarta ay suuro-geliyeen Soomaalida Ganacsatada ah ee Toronto ku nool; isagoo u mahad-celiyay. Wuxuuna intaas ku daray inay ciyaarahan kasoo Qayb-galeen Cayaartoydii hore ee Soomaaliya, sida Maxamed Ismaaciil oo u ciyaari jiray kooxdii Horseed oo ka yimid  London, Bashiir Jeenyo, oo u ciyaari jiray Kooxda Jeenyo, isla markaana Toddobaatameeyadii Xulka Qaranka Soomaaliya u soo ciyaaray oo isna ka yimid dalka Sweden iyo kuwo kale.

Gabgabagdii, dhanka Warbaahinta ayaa waxaa laga casuumay, Maamulaha HOL, Axmed Xaaji Cilmi Guure iyo Amiin Caamir. Waxaa iyaguna Qaybweyn ku lahaa tabinta tartanka, Max'ed Daahir, Codka Beesha ee Toronto ka tirsan iyo Mahad Carabow oo u shaqeeya, Universal TV.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya