4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 3 , 2015
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Taliyeyaal cusub u magacaabay Ciidanka Booliiska Somalia

Isniin, Ogoosto 03, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wareegto uu soo saaray ku magacaabay taliye ku-xigeenada Ciidamada Booliiska Somalia, iyadoo loo magacaabay xilkan, Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax.

Taliyaha  Booliiska Soomaaliya, Jen. Maxamed  Sheekh  Xasan  Xaamud oo ka Qayb-galay Munaasabad lagu sagootinayay Cutubyo ka tirsan Booliiska AMISOM ayaa akhriyay Wareegtada lagu Magacaabay taliye ku xigeenadiisa Booliiska Somalia, oo ku sheegtay inay tahay wareegto Madaxweyne.

“Madaxweynaha Soomaaliya oo tixraacaya shuruucda waddanka u taalla, sidoo kalena tixgelinaya soo-jeedinta RW Soomaaliya ayuu taliyeku xigeenka ciidanka booliiska Soomaaliya u magacaabay Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax,” ayuu yiri Jen. Xaamud.

Sidoo kale, Jen. Xaamud ayaa xusay in taliye ku xigeenka labaad ee Booliiska, Bashiir Cabdi Maxamed, waxaana magacaabiddan ay imaanaysaa xilli dhawaan uu Madaxweyne Xasan u magacaabay Taliyaha Booliiska Somalia, Jen. Xaamud, kaddib markii uu dhintay taliyihii hore ee Booliiska Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya