4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 29, 2015
BALADWEYNE: Marti-galinta Shirka Maamulka Hiiraan iyo Sh. Dhexe oo la isku diyaarinayo


Sabti, Ogoosto 29, 2015 (HOL) — Inkastoo ilaa iyo hadda dhab ahaan aan la ogeyn halka rasmiga ah oo uu ka furmi doono shirka dhismahamaamulka gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, ayaa haddana dhanka kale waxaa jira diyaar-garow la xiriira marti-galinta shirka oo kamuuqanaya magaalada Beledweyne.

Waxaa heer gaba-gabo ah maraya dhismaha Hool qurux badan oo lagadhisayo gudaha xarunta maamulka gobolka, kaa oo loogu tala-galayay in lagu qabto shirarka kala duwan, gaar ahaan shirweynaha dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, sidda ay HOL u sheegeen xubno ka tirsan maamulka heer degmo.

Mas'uuliyiinta maamulka heer degmo ayaa sheegay in dhismahan yahay dhisme u qalma marti-galinta kulamada heerkeedu sareeyo, iyagoo intaa ku darray in maalmaha soo socda xariga ka jiri doono.

Labada magaalo Beledweyne iyo Jowhar ayaa u muuqda kuwo xusul duub ugu jira siddii ay magaalo walba u hanan laheyd marti-galinta shirka dhismaha dowlad gobolleedka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, waloow hadda dhinaca kale marka aad eegto uu dib u dhac ka muuqdo waqtigii ay dowladda u qorsheysa in uu furmo shirka oo ku beegan 01-da September, madaama aan wali lagu guuleysan xitaa in la magacaabo guddigii farsamada.

Dad badan ayaa qaba in sababta dib u dhaca ku keenay habsami u socodka howlihii dhismaha maamulka labada gobol lagu tilmaami karo mooshinka xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ka keeneen madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud, kaa oo sababay in gollayaasha dowladda mashuul ku noqdaan muran siyaasadeedka ka dhax aloosan baarlamaanka iyo madaxtooyada,

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya