4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 29, 2015
SAWIRO: Shirkii Wada-tashiga Puntland oo la soo Gaba-gabeeyay iyo Qodobbo laga soo Saaray


Sabti, Ogoosto 29, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo xiray shirweyne loogu magac daray wadatashiga Puntland oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Inta badan waxgaradka beelaha Puntland oo laga soo kala xulay meelo kala duwan, xubno ka tirsan golaha wasiirada ,xildhibaanno iyo marti sharaf kale oo badan ayaa aragtiyo isku dhaafsanayay shirka intii uu socday.

Madaxweynaha Puntland. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Qodobada kasoo baxay shirka uu soo dhaweynayo isla markaana bulshada looga baahan-yahay in ay ka shaqeyso horumarka iyo nabad-galyada Puntland.

“Go’aamada aad isku raacdeen shirka anana waan idinku raacnay , waxaana la rabaa go’aamada aad soo saarteen in ay fulaan , annagu waanu fulinaynaa laakiin idinka haydinka fusho ‘’ Ayuu yiri madaxweynaha oo shirka ka jeediyay khudbad uu dhinacyo badan kaga hadlay.

Intii uu socday shirka waxaa looga dooday in la saxo waxyaabihi khaldamay tan iyo markii la asaasay Puntland ,waxaana ka qayb-galayaashii shirka ay inta badan wax iska weydiiyeen sida ugu haboon ee lagu gaari fikir midaysan oo gobolka ka hirgala.

Qodobada shirka ka soo baxay waxaa ugu muhiimsanaa in midnimadda iyo jiritaanka Puntland laga wada shaqeeyo, in Guddi ka kooban Dawladda iyo dadweynaha loo saaro dib uso celinta dhulka ka maqan gacanta  maamulka, In Hogaanka dhaqanka Puntland aysan ku dhex-milmin Siyaasadda iyo in la hirgaliyo nidaamka axsaabta badan.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland ayaa dhinaca kale kormeerro kala duwan ku kala bixiyay xurmaha dowladda ee magaalada Gaalkacyo oo ku jiro xabsiga weyn ee magaalada, iyadoo isla maaanta uu madaxweynuhu booqday xero ciidan oo ku taala deegaanka Godod oo ku dhow magaalada Gaalkacyo ,isla markaana ay ku xaraysan-yihiin ciidamo ka tirsan maamulka Puntland,

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]