4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 29, 2015
Hay’ad La-dirirta Musuq-maasuqa oo kulan ku Qabatay Magaalada Muqdisho (Sawirro+Daawo)


Sabti, Ogoosto 29, 2015 (HOL) — Hay'adda Markhaati oo ka Shaqeysa Isla-xisaabtanka ayaa Maalintii Isniinta Magaalada Muqdisho ku qabtay kulan looga hadlayay la-dagaalanka Musuq-maasuqa; kaasoo ay ka qayb-galeen qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida; Aqoon-yahanada, Mas'uuliyiinta Dawladda Somalia ka tirsan, Siyaasiyiin iyo Bulshada Rayidka ah.

Kulanka ayaa waxaa xubnihii ka Qayb-galay ka mid ahaa; Xildhibaan Faysal Cumar oo ka Tirsan Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Somalia, Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada & Dimuqraadiyada, Salaad Cali Jeele, Guddoomiyaha Xisbiga Kulan, Maxyadiin Maxamed Xaaji iyo Abshir Maxamed oo isagana ah saxafi Waayo-arag ah. iyagoo ka hadlay Arrimaha dalka ka jiro iyo sidii looga Gudbi lahaa; Waxayna ugu Dambeyn ka Jawaabeen Su’aalo ay dadweynuhu weydiinayeen.

Sidoo kale, kasoo Qaybgalayaasha Kulaka Waxay isku-raaceen baahida loo Qabo in la isla-xisaabtamo; iyagoo ugu yeeray Dowladda Federaalka Soomaaliya inay Xoojisa Dadaalka ka hortaga iyo La-dagaalanka Musuq-maasuqa.

Haddaba; DAAWO Xubnahan oo ka Hadlayay Kulanka iyo Wixii ay ka Hadleen;

SALAAD CALI JEELLE;

MUXYADIIN MAXAMED XAAJI;

XILDIBAAN FAYSAL CUMAR;

ABSHIR MAXAMED - SUXUFI;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya