4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 29, 2015
AMISOM oo sheegtay inay Boqolaal ka tirsan Al-shabaab ku dileen Dagaallo ka dhacay Somalia


Sabti, Ogoosto 29, 2015 (HOL) — Warbixin lagu Daabacay Wargayska The Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa lagu sheegay in taliska AMISOM ay sheegeen inay Gudaha Somalia ku dileen in ka badan 250 Dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab; kaddib Dagaallo ka dhacay Koofurta Somalia bishan Gudaheeda.

Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa u sheegay Wargeyska tan iyo intii uu socdo Howlgalka Jubba la yiraahdo la dilay 250 xubnood oo Al-shabaab ka tirsan deegaanno ka tirsan Gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Somalia.

Afhayeen u Hadlay Ciidamada Kenya ee Qaybta ka ah Howlgalka AMISOM ayaa sheegay in illaa 10- Hoggaamiye oo Al-shabaab ka tirsanaa ay ku jiraan Dagaal-yahannada lagu dilay Gobolladaas.

“Howlgallada Jubba ka socday bishan Ogoosto oo keliya waxaan ku dilnay 250-xubnood oo 10 sarkaal oo sar-sare, tanina Waa Qayb ka mid ah Guulaha aanu Gaarnay,” ayaa lagu yiri Warkan maanta lagu Qoray Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaan weli ka hadlin Warbixinta Saraakiisha AMISOM ka tirsan ee lagu sheegay in boqolaal dagaalyahanadooda ka tirsanaa looga dilay dagaallo ka dhacay Gobollada Jubbooyinka ee Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya