4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 29, 2015
Guddi Sheegay in Xukuumaa Somaliland aysan geli karin Heshiisyo aan lasoo Marin Wakiiladda


Sabti, Ogoosto 29, 2015 (HOL) — Guddi-hoosadka Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Daba-galka Musuq-maasuqa ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Sharci-darro ku tilmaamay in Xukuumaddu gasho heshiishyo aan Golaha Wakiilada lasoo marin.

Sidoo kale, Guddigu wuxuu ka hadlay Wareejinta Haamaha Kaydka Shiidaalka Berbera oo la sheegay in lagu wareejinayo shirkaddo gaar ah taas oo uu Xusay inaan Shacabka loo soo bandhigin taasina ay tahay khalad.

"In shirkaddo gaar loo leeyahay oo aan dadweynaha loo soo bandhigin  Waxay keenaysa in loo xidho Kooto cid gaar ah, taasina waxay jabinaysaa dastuurka oo sheegaya suuq xor ah, waxayna noqonaysaa naas nuujin iyo in cid gaar ah loo xidho ganacsiga shidaalka, mar haddaan umadda la soo dhex dhigin, mar haddaan tartan xor iyo xalaal ahi dhicin oo aan qandaraas lagu bixin,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddida Daba-galka Hantidda Qaranka ee Somaliland, Maxamed Cali Xirsi Obama oo maanta golaha ka hor akhriyey warbixin ay ka soo diyaariyen musuqmaasuq ay ku kaceen xukuumaddu.

Mar uu ka hadlayay in shirkaddo gaar ah la siiyo Haamaha Shiidaalka Berbera ayaa yidhi “Wuxuu keenayaa inaanay shirkaddahani u ogolaan shirkaddo kale oo shidaalka keena, tusaale ahaan shirkaddahani waxay keenaan Badroolka, haddiiba shirkaddo kale ay keenaan markab badrool ah oo kooda ka jaban, xaggee bay ku shubanayaan, marna shirkaddaha lagu wareejiyay ma ogolaanayaan inay badroolka shirkaddo kale oo tartan ka dhexeeyaa shidaal ku kaydsadaan haamaha, Inaanay Shirkaddahan yaryari samayn Karin maalgashi u dhigma ka dawladdu ku samayn karto haamaha, sidaas darteed ma jirto sabab shirkaddo yar oo maxalli ah loogu wareejiyo. Dawladdu xaq bay u leedahay haddii ay awoodi waydo maalgalinta Haamaha inay ku wareejiso shirkad kale oo awooda, tusaale haddii 4 Milyan dollar ay u baahan yihiin Haamuhu oo aanay dawladdu awoodin shirkad awooda way ku wareejin kartaa, laakiin in shirkaddahan yaryar ee is urursaday dawladda ka qani san yihiin ma muuqato”

Si kasta ha ahaaatee, Wasiirka ganacsiga ayaa maalmihii la soo dhaafay guddida u xaqiijiyay inuu socdo qorshe kaydka haamaha shidaalka lagu wareejinayo shirkado gaar loo leeyahay.

Golaha Wakiiladda ayaa inta badan ku cawda in aan heshiishyadda xukuumaddu gasho la soo marin golaha Wakiiladda taas oo ay ku tilmaameen sharci jabin.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland