4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 29, 2015
Markab laga leeyahay dalka Iran oo ka baxsaday Dabley Soomaaliyeed oo Afduub ku haystay


Sabti, Ogoosto 29, 2015 (HOL) — Markab laga leeyahay Dalka Iiraan iyo 19 Shaqaale ah oo saarnaa ayaa ka baxsaday gacanta kalluumeysato Soomaaliyeed oo Afduub ahaan ugu haystay deegaanka Ceel Huur ee Gobolka Mudug, kaddib markii ay shan bilood haysteen.

Markabkan oo ah nooca kalluumeysiga ayaa lagu haystay kalluumeysi sharci-darro ah oo xeebaha Soomaaliya uu ka sameynayay, waxaana gacanta lagu dhigay 23-kii Maarso, 2015-ka.

Sida uu sheegay Ruux lagu magacaabo, John Steed oo ka tirsan Ururka lagu magacaabo Oceans Beyond Piracy, Naaquudaha markabka ayaa ka faa’iideystay diyaarad Helicopter ah soo dulmartay markabka taasoo keentey in kooxihii af-duubka u haystay markabka inay ka kala cararaan.

Naaquudaha Markabka ayaa Baroorsinka u furay markabka, kaddibna goobta si dhaqso ah uga baxday, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo markab afduub loo haystay uu ka baxsado dableydii haysatay.

Ugu dambeyn, wararka ayaa sheegaya in markabka Doomo lagu baacsaday kaddib markii uu baxsaday, balse markabka wuxuu gabbaad ka dhigtay markab ka mid ah kuwa NATO ee Xeebaha jooga, kuwaasoo siiyey cunno iyo raashiin shaqaalaha markabka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya