4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 29, 2015
Madaxweynaha Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Maanta u Dhoofay Imaaraadka Carabta


Sabti, Ogoosto 29, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu Horkacayo ayaa maanta u dhoofay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kaddib martiqaad uu ka helay Amiirka Waddankaas.

Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxaa ka mid ah Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda; iyadoo Garoonka diyaaradaha Muqdisho ay kusii Sagootiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Ra’iisul Wasaaraha, Xubno ka tirsan Labada Gole iyo Saraakiil Ciidan.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo ka Warbixinaya Safarka Madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa ayaa sheegay inay ku wehliyaan xubno ka tirsan Golayaasha dowladda Somalia, isla markaana ay Imaaraadka Carabta kala hadli doonaan xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhexeeya.

“Madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa waxay u dhoofeen Imaaraadka Carabta oo ay martiqaad rasmi ah ka heleen; waxaana kulammada ay yeelan doonaan ay kaga hadli doonaan Xiriir iyo iskaashi ka dhaxeeya labada dal,” ayuu yiri Daa’uud Aweys.

Ugu dambeyn, Wafdiga Madaxweynaha Somalia ayaa kulammo la qaadan doona Mas’uuliyiinta dalkaas, iyagoo qodobbada ay kawada hadli doonaan ay Gun-dhig u yihiin taageerida Dowladda Imaaraadku ay siiso Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya