4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 29, 2015
Shariif Xasan oo AMSOM kala hadlaya dadkii Shacabka ahaa ee lagu dilay Degmada Marka


Sabti, Ogoosto 29, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay Weheliyaan Wasiirro ka tirsan Xukumadda Soomaaliya, Xildhibaanno iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Shabeellada Hoose ayaa Maanta gaaray Degmada Marko ee Gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo Saraakiisha AMISOM ee Degmadaas Jooga kala hadlaya dilkii Toddoba qof oo Shacab ah ay 31-kii bishii July ciidamada AMISOM ugu geysteen Degmadaas.

Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa sidoo kale degmadaas uu geeyay maamul uu dhawaan u magacaabay. Afhayeenka Maamulka Koonfur-galbeed ayaa sheegay in Amniga degmada aad loo adkeeyay.

C/qaadir Nadaafa ayaa xusay in Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiinta kale ee Dowladda FS ka tirsan ay Saraakiisha AMISOM ee ku sugna Marka kala hadlayaan dadkii Shacabka ahaa ee AMISOM ay ku dishay Marka, iyadoo sidoo kale ay Mas’uuliyiintan la Hadli doonaa Wax-garadka iyo bulshada degmadaas ku nool.

Taliska Ciidamada AMISOM ayaa dhawaan qirtay in ciidamadooda ay 31-kii July ku dileen dad shacab ah oo tiradoodu tahay 7-qof kuwaasoo ku sugnaa guri uu aroos ka dhacayay oo ku yaalla Xaafadda Ruusiya.

Ergayga Midowga Afrika ee Somalia; ahna Madaxa AMISOM, Danjire Maman S. Sidikou oo toddobaadkii hore warbaahinta kula hadlay Nairobi ayaa sheegay in loo Qabtay falkaas saddex Askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM ee Uganda ka doscda, lana soo taagi doono Maxkamad.

Ugu dambeyn, AMISOM ayaa Raalli-gelin ka bixisay Dilalka ay ciidamadoodu ka Geysteen degmada Marko, iyadoo dhawaan ay madaxda AMISOM sheegeen inay ka bixinayaan dilka dadkaas shacabka ah mag-dhow.

Si kastaba ha ahaatee, lama oga waxa kasoo bixi doona kulanka ay Saraakiisha AMISOM ee ku sugan Marko iyo mas’uuliyiinta uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur-galbeed Somalia kasoo bixi doona.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya