4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 29, 2015
SAWIRRO: Maqaayadii ugu Horeysay oo Somali leedahay oo Magaalada New York laga furay


Sabti, Ogoosto 29, 2015 (HOL) — Magaalada New York ee Dalka Mareykanka ayaa laga furay maqaayaddii ugu horreysay oo ay Soomaali leedahay, taasoo lagu magacaabo Safaari Somali Cuisine; waxay ku taallaa xaafadda Herlem ee New York.

Baarkan ayaa laga helaa cunnooyin Soomaalidu ay caanka ku tahay, kuwaasoo shacabka Mareykanku ay aad u jecel yihiin. Waxaana ka mid ah cunnooyinkaan; Baasto, Suqaar, Buskeeti, Shaah Soomali iyo is-barmuuto ama Liimo Balbeelmo.

Adres Piedrahita oo ka mid ah Ajaanibtii wax ku cunay Maqaayadan Soomaalidu leedahay ayaa ayaa sheegay inay ahayd markii ugu horreysay ee uu Maqayadan booqdo oo ka cunno cunto Soomaali; waxuuuna xusay inuu si aad ah ula dhacay cuntada Soomaalia.

“Cunnada aan ka cuney Safari Waxay ka mid tahay Cuntadii ugu Macaanayd ee aan abid cunay. Anigu maba filayn in Cunnada Soomaaliya ay tahay cunto sidaa u macaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Piedrahita.

Ugu dambeyn, magaalada New York oo ah midd ugu weyn Magaalooyinka Mareykanka ayaa haddana waxay tahay magaalo ay aad ugu yar yihiin bulshada Soomaalida ah. Sidoo kalena uusan jirin deegaan ay Soomaalidu ku nool yihiin oo ku yaalla New York.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida ku nool magaaladaas ayaa ku nool xaafaddo tirsan oo ku yaalla magaaladaas. Iyadoo baarkan ay noqonaysto middii ugu horreysay oo ay Soomaalidu ku nool fursad u helaan inay ku kulmaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya