4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 29, 2015
Dib u dhis ballaaran oo lagu sameeyay Isbitaalka Baydhabo ee Gobolka Bay (SAWIRRO)


Sabti, Ogoosto 29, 2015 (HOL) — Tan iyo markii Maamulka Koonfur Galbeed Somalia uu u Magacaabay agaasimaha Isbitaalka Baydhabo Cabdifataax Ibraahim Haashi Gaabow ayaa waxaa laga qabtay howlo badan, iyadoo aad arkeysid dib u dhis lagu sameeyey Muuqaalka isbitaalka qaybihiisa kala duwan.

Agaasimaha isbitqaalka ayaa sheegay inay ka shaqeeyaan isbitaalka dhakhaatiir xirfado kala duwan leh, kuwaasoo si hufan u guta hawlahooda shaqo, kuwaasoo lagu soo xuley aqoon-tooda.

Isbitaalka weyn ee Baydhabo ayaa bukaanka imanaya waxay ka kala yimaadaan dhamaan deegaanada Gobolka Bay, Bakool iyo Gedo, iyadoo bukaanada Jiifa ay ka kala yimaadeen intooda badan deegaanadaas.

Sidoo kale, Isbitaalka ayaa Waxaa taakuleysa Hay’adda ICRC, waxaa kaloo Mushaaraadka Dhaqaatiirta iyo Daawooyinka ay ka helaan Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo Hoos-tagta Qaramada Midoobay.

Dhismaha cusub ayaa loo sameeyey Qaybta Gar-gaarka Deg-degga ah, iyadoo Dayactirka Dhismaha cusub ay dhiseen hay’adda UNDP iyo hay’adaha ku sugan Baydhabo; iyagoo ka caawiyay dhanka qalabeynta.

Hiiraan Online, Baydhabo