4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 29, 2015
Al-shabaab oo Xukun Karbaash ah ku Fulisay Ruux lagu Eedeeyay inuu Kufsi Geystay


Sabti, Ogoosto 29, 2015 (HOL) — Maxlamad ay leedahay Al-shabaab oo ku taala Gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia ayaa xukun karbaash ah ku fulisay nin lagu soo eedeeyay inuu kufsi ka geystay Deegaanka Galhareeri oo ka tirsan Gobolka Gaguduud.

Xukunkan karbaashka ah ayaa ka dhacay faraage ku yaalla Galhareer; kaasoo dhacay gellinkii dambe ee shalay, waxaana goobta isugu soo baxay dadweyne badan si ay u daawadaan xukunka oo aha 100-karbaash.

Ruuxa xukunka lagu fuliyay ayaa waxaa lagu magacaabaa, Saciid Cali Rooble oo la sheegay inuu kufsaday Gabar lagu magacaabo, Sacdiyo Daahir Cali Raage, waxaana ninka kufsiga geystay; iyadoo la sheegay inuu ahaa ruuxan kufsiga ku kacay mid aan horay guur u soo marin.

Saraakiisha Al-shabaab ee Gobolka Galguduud ayaa hadal ay jeediyeen ku xusay in qof walba oo dambi gala xukun noocan oo kale ah lagu fulin doono, iyagoo uga digay shacabka inay ku kacaan falal noocaan oo kale ah.

Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay oo ay Al-shabaab xukun noocan oo kale ah ay ka fuliso deegaannada ay ka taliso ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya