4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 29, 2015
CAWAD: Mooshinka laga keenay Madaxweynaha wuu ka duwan yahay Mooshinnadii hore


Sabti, Ogoosto 29, 2015 (HOL) — Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Baarlamaanka FS, Mahad C/lla Cawad ayaa ka hadlay mooshinka dhanka ka ah Madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo horraantii bishan ay gudbiyeen 93-Xildhibaan oo baarlamaanka Somalia ka tirsan.

Cawad ayaa sheegay in Mooshinku uu yaallo xafiiska Guddoonka Baarlamaanka Somalia, isla markaana aan wali la geyn Baarlamaanka Somalia, isagoo xusay in mooshinka laga keenay Madaxweynaha uu ka duwan yahay Mooshinnadii horay looga keenay xukuumadda.

“Mooshinka Madaxweynaha ka dhanka ah, xildhibaanno baarlamaanka ka mid ah ayaa keenay, xafiiska guddoonka baarlamaanka ayuuna yaallaa, Baarlamaanka weli lama hor-keenin, sidaas in la ogaado ayaan doonaynaa,” ayuu yiri Cawad oo la hadlayay Warbaahinta.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenku wuxuu intaas ku daray in eedeymaha loo jeediyay Madaxweynaha Somalia loo baahan yahay in dariiq kale ay soo marto, isla markaana Maxkamad ay xaqiijiso, lana soo caddeeyo eedeymaha inay jiraan iyo in kale.

“Waxaan rabaa inaan caddeeyo in mooshikan uu ka duwan yahay kuwii horay looga keeni jiray xukuumadihii dalka soo maray. Marka waxay u baahan tahay in lasoo maro dariiq kale sida in maxkamad lasoo mariyo si eeddaha ku xusan loo xaqiijiyo, waayo ma ahan mooshin caadi ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Cawad.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Mooshinkan soo diyaariyay ayaa sheegay in goor hore Moshinka loo gudbiyay Maxkamadda sare ee dalka, maadaama aanay jirin Maxkamadii Dastuuriga ah oo go’aan ka gaari lahayd.

Dhanka kale, Guddoonka Baarlamaanka Somalia ayaa kulamo wada-tashiyo ah oo u badan kuwo xal looga gaarayo mooshinkan ka dhanka ah Madaxweynaha Somalia la qaatay qaar ka mid ah xildhibaannada Mooshinka keenay, inkastoo aysan weli wax natiijo ah kasoo bixin.

Ugu dambeyn, Illaa bishan 12-keedii oo ahayd markii Mooshinkan la gudbiyay waxaa soo baxayay walaacyo kala duwan oo ku aaddan sida ay xaaladda dalka ku dambeynayso, iyadoo Beesha Caalamka ay codsatay in si hoose loo dhameeyo arrintan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya