4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 28, 2015
Madaxweynaha Galmudug oo Cadaado kaga Dhawaaqay Golihiisa Wasiirrada (AKHRISO)


Jimco, Ogoosto 28, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Goor-dhow kaga Dhawaaqay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud Golihiisa Wasiirrada oo ka kooban 24-wasiir, 24-wasiir ku xigeen iyo afar wasiir-u-dowle, iyadoo Golaha Wasiirradan ay ku jiraan Xubno ka socda Ururka Ahlusunna Waljameeca.

Golaha  Wasiirrada Galmudug ayaa looga dhawaaqay Munaasabad ka dhacday Degmada Cadaado, taasoo ay oo ay goob-joog ka ahaayeen inta badan xildhibaannada maamulkaas iyo mas'uuliyiin kale.

Wasiirrada Maanta la magacaabay ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli shalay ay Degmada Cadaado heshiis awood-qaybsi ah ku kala saxiixdeen Ahlusunna iyo Maamulka Galmudug, kaasoo ka koobnaa afar qodob.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug oo ay horay uga dhammaatay xilligii uu ku soo magacaabi lahaa Wasiirradiisa ayaa bishan gudaheed waxay xildhibaannada Galmudug ugu kordhiyeen 15-maalmood si uu heshiis ula galo Ahlusunna.

AKHRISO: Magacyada Wasiirada, Wasiir Ku xigeennada iyo Wasiir u Dowlayaasha;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya