4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 28, 2015
Madaxweynaha Galmudug oo lagu wado inuu Goor-dhow ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirrada


Jimco, Ogoosto 28, 2015 (HOL) — Xafladda ku dhawaaqista Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug ayaa xilligan ka socota Magaalada Cadaado, iyadoo lagu wado inuu goor-dhow Golaha Wasiirradiisa ku dhawaaqo Madaxweynaha, Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaan Maxamed Geeddi Cawaale oo ka mid ah xildhibaannada Galmudug oo la hadlay HOL isagoo ku sugan degmada Cadaado ayaa xaqiijiyay in xafladda uu Guuleed Golihiisa Wasiirrada kaga dhawaaqayo ay ka billaabatay Cadaado.

“Wasiirrada lagu dhawaaqayo tiradoodu waa 23 sidii horay loo sheegay, xafladda looga dhawaaqayo Wasiirradana goor-dhow ayay billaabatay,” ayuu yiri Mudane Cawaale oo khadka taleefoonka kula hadlayay HOL, isagoo ku sugan Cadaado.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli Maamuka Galmudug iyo Ahlusunna ay shalay ku kala saxiixdeen degmada Cadaado Heshiis Awood-qaybsi ah oo dhigaya inay Ahlusunna xubno ku yeelato Golaha Wasiirrada Maamulka iyo Baarlamaanka.

Wixii kasoo kordha Magacaabidda Golaha Wasiirrada Galmudug, Waxaad kula socon doontaan wararka soo socoda ee HOL Haddii Alle ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya