4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 28, 2015
Dhismaha Masjid oo laga billaabay Degmada Xudun oo ka tirsan Gobolka Sool (SAWIRRO)


Jimco, Ogoosto 28, 2015 (HOL) — Jimciyadda Al-tamkiin ee khayriga ah oo Somalia ka hawlgasha ayaa dhisme masjid ka billowday dagmada Xuddun ee gobalka Sool.

Masaajidkan laga dhisayo Xuddun ayaa waxaa soo garsiiya culumo ay u soo wakiilatay jimciyadda; waxaana kulan ay culumadan ku yeesheen odayada-dhaqanka iyo culummada Magaalda Xuddun kuwasoo ay u sheegeen inay u wadaan dhisme masaajid oo dhula ahaan dhan toban toban iyo ceel-biyood masaajidka uu yeelan doono.

Odayaasha deegaanka ayaa tilmaamay inay soo dhawaynayaan dhismaha majidka oo loo bahan yahay in masaajido hor leh ay dagmadu hesho Bashiir Axmed Xayir oo ka mid ah dadka deegaan hormuudan u ahaa culumada loo Wakiishay inay garsiyaan dhisamah masjid dagmada Xuddun ayaa Xusay in dadka deegaanka uu u sheegayo in masaajidka lasoo gasiiyo; balse dhulka ay masaajidka intaa uu ka weenyahay oo loo bahaan yahay in lasii balaariyo, waxuna ka codsaday muslimiinta jecl kalmaynta in ay ka qayb qaataan dismaha masaajidkan.

Cali Aadan oo ka tirsan culumada deegaanka ayaa tilmaamay in masaajidka uu yahay waxaa ugu wanaagsan ee sadaqo loola baxo, dadka soo garsiiyan waxa uu RABBI uga baryay inuu siiyo khayarka ay shaqaysanayaan.

Sidoo kale, Sh. Cismaan Cali iyo Sh. Jaamac Muuse Ciise oo ahaa culumada ay jimciyaddu u soo wakiilatay inay Majidkan garsiiyaan Degmada Xuddun ayaa xusay in hawshii loosoo wakiishay ay ka soo baxeen ayna markhaati uga yihii bulshawaynta ku dhaqan dagaankaasi.

Ugu dambeyn, Dhismaha Masjidka ayaa wuxuu yahay kii ugu horreeyay ee Jimciyadda Al-tamniya ee khayriga ay ka fuliso dagmada Xuddun, laakiinse waxay culummadu ballan-qaadeen in mashaariic kale oo khayri ah ay soo gaarsiin doonaan deegaanka.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online.
[email protected]
Laascaanood, Soomaaliya