4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 28, 2015
Garab ka mid ah Ahlusunna Waljamaaca oo kasoo Horjeestay Heshiiskii lagu Saxiixay Cadaado


Jimco, Ogoosto 28, 2015 (HOL) — Xubnaha Culummaa’uddiinka Ahlusunna ee gacanta ku haya magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta Gobolka Galguduud ayaa sheegay inaysan qayb ka ahayn heshiiskii shalay lagu saxiixay degmada Cadaado ee dhexmaray Alhusunna iyo Galmudug.

Mas’uulkii ay dhawaan Ahlusunna u doorteen Madaxweynaha, Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in heshiiskaas ay qaadaceen  , isla markaana ay galeen xubno horay uga mid ahaan jiray Ahlusunna iyo Galmudug.

“Heshiiskii Magaalada Cadaado ka dhacay shalay oo Khamiis ahayd Ahlusunna kama mid ahayn dhinacyadii saxiixay, waxaa gaaray oo halkaas ku saxiixday dad horay u wada-shaqeynayay oo isla joogay, Ahlusunna uma aysan dhameyn heshiiskaas,” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Sidoo kale, Mas’uulkan ayaa xusay in heshiiskaas uu yahay mid Caalamka lagu marin-habaabinayo, sidoo kalena Ahlusuna aysan marnaba raali ka aheyn waxa ka dhacay Magaalada Cadaado.

“Ahlusunna Waljameeca way Midowday, Maamul ayayna sameystay oo shacabka Gobollada Dhexe ay ku Qanacsan yihiin, Heshiiska Cadaado Wuxuu dhex-maray dad awal aanu wada-joognay iyo Maamulka Galmudug, balse innagu wax lug ah kuma lahayn,” ayuu yiri mas’uulkan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Maamullka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Guddoomiyaha Ahlusunna, Sh. Ibraahiim Guureeye ayaa shalay Heshiis Awood-qeybsi ah ku kala saxiixday degmada Cadaado, kaasoo dhigaya in Ahlusunna ay xubno ku yeelato Maamulka  Galmudug.

Ugu dambeyn, Xubnaha Ahlusunna ee heshiiskan diiday ayaa gacanta ku haya Magaalada Dhuuso-mareeb oo loo qorsheeyay inay noqoto Caasimadda uu ku shaqeyn doono maamluka Galmudug oo ay ku midoobeen Gobollada Mudug iyo Galguduud.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya