4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 27, 2015
Shirkii Golaha Wasiirada oo looga Hadlay Mooshinka Madaxweynaha iyo Qodobbo kale


Khamiis, Ogoosto 27, 2015 (HOL) — Golaha Wasiirrada Xukuumada Somalia oo Maanta yeeshay Kulankoodii Caadiga ahaa ayaa ka hadlay Qodobbo ay ka mid ahaayeen Xaaladda Amniga, Warbixin Guddiyadii loo xil-saaray baaritaanka qodobada lagu xusay mooshinka madaxweynaha iyo soo jeedin Qorshe-qaran oo ka dhan ah Gudniinka Fircooniga ah.

Ugu horreyn, Wasiirrada ayaa Warbixin ka dhegeystay Guddiyadii loo xil-saaray Arrinta mooshinka, waxayna isla garteen in la helo xal Siyaasadeed oo Waara, iyadoo la eegayo geeddi-socodka nabadda iyo danta guud.

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Khadra Bashiir Cali ayaa ka siisay safar Golaha Wasiirrada warbixin safar ay ku tagtay Waddanka Masar halkaasoo ay heshiis horumarinta waxbarashada ah kula soo saxiixatay dhiggeeda dalka Masar, waxayna Wasiiradu sheegtay in dowladda Masar ay ballan qaaday in 200 oo Arday ay siin doonaan Waxbarasho lacag la'aan ah, ayna sidoo kale u tababari doonaan 40 macalin.

Sidoo kale, Wasiiradda ayaa Xustay in Dowladda Masar ay ka codsatay in lagu Wareejiyo Iskoolka 15-ka May iyo kan Sheekh Xasan Barsame, iyagoo ballan-qaaday inay Dayactir heer sare ah ku sameyn doonaan; isla markaana ay Ardayda Soomaaliyeed ay wax ku bari doonaan si lacag la'aan ah.

Dhanka kale, Wasiirada Haweenka iyo xaquuqul Insaanka, Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa Golaha u soo gudbisay hindise qaran oo ku aadan sidii loo baabi'in lahaa gudniinka fircooniga ah ee gabadhaha, kaasoo aanan ku banaaneyn diinta islaamka, dhibaatooyin fara badana u geysta gabadhaha Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Dood dheer iyo falan-qeyn kaddib, Golaha Wasiirada Somalia ayaa waxay ayaa go'aamiyeen in la helo Qorshe Qaran oo laga Dhaqan-gelinayo dalka oo dhan, kaasoo lagu baabi'inayo Gudniinka Fircooniga ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya