4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 27, 2015
FAAHFAAHIN: Qodobbada Heshiiskii ay Maanta kala Saxiixdeen Galmudug iyo Ururka Ahlusunna


Khamiis, Ogoosto 27, 2015 (HOL) — Degmada Cadaado ee xarunta KMG ee Galmudug Waxaa maanta lagu Qabtay xaflad ay hishiis ku kala saxiixdeen mas'uuliyiinta maamulka Galmudug State iyo Ahlu Sunna Waljameeca oo markii hore siweyn isugu khilaafsanaa dhismaha maamulka Galmudug.

Labada dhinac ayaa ku hishiiyay in la wadaago awood maamulka, isla markaana Ahlu Sunna kaalin muuqata ku yeelato gollayaasha kala duwan ee mamulka sida Baarlamaanka, xubnaha gollaha wasiirrada la fillayo in la soo dhiso, magacaabista agaasimayaasha maamulka iyo dhismaha maamullada gobollada iyo degmooyinka.

Hishiiska oo ahaa mid siweyn loo wadda sugayay dhinaca Galmudug waxaa u saxiixay madaxweynaha maamulka C/kariin Xusseen Guulleed oo uu dhinaciisa fadhiyay madaxweyne ku-xigeenkiisa Max'ed Xaanshi Carabey, halka dhinaca dhinaca Ahlu Sunna hishiiskaas ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyaha fulinta Sheekh Max'ed Axmed Faarax iyo guddoomiyaha tallada Sheekh Cumar C/qaadir, halka uu hishiiska u saxiixay guddoomiyaha gollayaasha guud ee Ahlu Sunna Sheekh Ibraahim Guureeye.

Hishiiska labada dhinac oo ahaa mid siweyn isha loogu wadda hayay ayaa dhinaca kale marka la eego waxaa ka dhax muuqan raggii ay sidda weyn isaga soo horjeedeen maamulka Galmudug oo uu ka mid yahay madaxweynaha maamulka looga dhawaaqay magaalada Dhuusa-mareeb Sheekh Max'edShaakir iyo saraakiisha la shaqeysa oo wali gacanta ku haya xarunta maamulka Galmudug ee Dhuusa-mareeb.

Ahlu Sunna oo ah ururada hubeysan o siyaasadeed  waxaa ay ka arrimiyaan deegaanno ballaaran oo ka mid ah gobolka Galguduud  sidda, degmooyinka Dhuusa-mareeb, Guri-ceel, Caabud-waaq iyo deegaanno kale, marar badanna waxaa jira dagaal ay deegaannadaas kula galleen ciidammada dowladda,

Inkastoo wali hishiiskan ay ka maqan yihiin qeybo muhiim u ahaan lahaa, ayaa dhinaca kale waxaa la oran karaa maamulka Galmudug uu yaraan waxaa uu ka qafiifin karaa culeyskii ballaarnaa ee uga imanayay dhinaca Ahlu Sunna Waljameeca, lamana oga jawaabta ay bixin doonaan saraakiisha Ahlu Sunna ee wali fadhigoodu yahay magaalada Dhuusa-mareeb.

AKHRISO: QODOBBADA AY LABADA DHINAC MAANTA KU HESHIIYEEN;

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya