4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 27, 2015
Madaxweynaha oo Maanta Booqday Bandhigga Buugaagta ee ka Furmay Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, Ogoosto 27, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka Qayb-galay Bandhigga Caalamiga ee Buugaagta oo Shalay Muqdisho ka furmay; laguna soo bandhigay buugaag ay Qoreen Qorayaal Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh oo ka Qayb-galeyaasha Bandhigga la Sameeyay wada-sheekeysi ayaa ka Jawaabay su’aalo la weydiiyay oo la xiriira Dhanka Qorista Buugaagta, Dhaqanka iyo Taariikhda Somalia.

“Waxaan Dhiirri-gelinayaa in si sax ah loo Qoro Taariikhdaa iyo Waayihii lasoo maray ee Somalia; si aan wax uga barano. Bulshadeena waxay u baahan tahay in la Wacyigeliyo, dadaalkeenana aan meel isugu geyno sidii aan u yeelan lahayn Dowlad sal adag, nabad-waarta iyo horumar,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in aqoon kasta oo bulsho ay leedahay aanay wax badan dalkeenna ka beddeli karin, haddii aanay la socon midnimo iyo Wada-shaqeyn Shacabka iyo Dalka dan u ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya