4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 27, 2015
SAWIRRO: Kumannaan Arday ah oo u Fariisatay Imtixaanka Ogolaanshaha Jaamacadda Banaadir


Khamiis, Ogoosto 27, 2015 (HOL) — Kambaska Jaamacadda Banaadir ee Dr. Shahiid ee Jaamacada Banaadir oo ku yaalla Deegaanka Km-13 ee duleedka Magaalada Muqdisho iyo xarumaha kale ee Jaamacadu ku leedahay Muqdisho ayaa waxaa maanta ka billowday imtixaanka ogolaanshaha ama qubuulka ee Sannad-waxbarashadeedka Jaamacada ee 2015-2016 oo ay u fariisteen arday kumannaan gaareysa.

Diiwaan-hayaha Jaamacadda Banaadir, Inj. Ismaaciil C/raxmaan Maxamed ayaa Sheegay in Jaamacadda ay Sanadkan soo dalbadeen arday gaaraysa 2,166 (Labo kun boqol lixdan iyo lix) oo dhamaantood ka baxay Dugsiyada Sare ee dalka oo isugu jira hablo iyo wiilal, isgaoo xusay inay soo dalbadeen 11-ka kuliyadood ee Jaamacadaas ay ka kooban tahay, isagoo tilmaamay in Qaybta taqasusaadka Jaamacadda (Master-ka) oo shan Qaybood ka kooban ay; iyana ay Imtixaan u galayaan maanta Arday fara badan.

“Si fursad loo siiyo Ardayda ka imanaysa gudaha Dalka iyo Dibaddiisa ee soo dalbanaya Jaamacadda Banaadir, ayaa waxaa imtixaanka loo qaadayaa labo qaybood. Qaybta maanta fariisatay waa qaybtii koowaad, Qaybta labaadna bisha soo socota 10-keeda ayay iyaguna geli doonaan, waxaana filaynaa in Ardayda imtixaanka gashay ay gaaraan ku dhawaad 300,000 oo Arday kuwaasoo wax ku dhow laban-laab ka badan Ardaydii Sannadkii hore” ayuu yiri, Inj. Ismaaciil C/raxmaan Maxamed.  

Sidoo kale, Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isaguna la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in imtixaanka Ogolaanshaha ee Jaamacadda Banaadir ee sannadkan ay u fariisanayaan arday aad uga badan kuwii Sanandihii hore; isagoo xusay in imtixaankan lagu qiimaynayo heerka aqoonta ardayda cusub ee Jaamacada ku biireysa.

“Saaka waxaa billowday Imtixaanka Ogolaashaha ee Jaamacadda Banaadir ee 2015-2016, waxaana u fariisanaya sannadkan ardaydii ugu badneyn ee abid u fariisata imtixaanka Qubuulka Jaamacadda, waxayna muujineysaa sumcada, Tixgelinta iyo karaamada ay Jaamacaddu ku leedahay ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Dr Dalmar.

Wuxuu intaas ku daray in in dib u habeyn lagu sameeyay kulliyadihii hore ee Jaamacaddu ka koobanyd, isagoo yiri. “Sanadkan waxaan kusoo kordhinay Jaamacadda Banaadir labo kuliyadood oo kala ah kuliyada cilmiga iyo daweynta ilkaha (Dentistry) iyo kuliyadda ka faa’iideysiga kheyraadka dhulka (Geo-Science) oo Somalia oo dhan aan ka jirin, kuwaasoo 11 ka dhigay kuliyadaha jaamacadu ka kooban tahay, sidoo kale waxaan ku kordhinay qeybta taqasuska oo leh heerar kala duwan, waxaa kaloo jira cilmi baarisyo iyo tababaro joogto ah.”

Dr. Dalmar wuxuu ballan-qaaday in Jaamacaddu ay halkeeda ka sii wadeyso soo saarida jiil Soomaaliyeed Aqoon leh, kana Qayb-qaata dib u dhiska, horumarinta iyo maamulka dalka.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacada Banaadir, C/raxmaan Xasan Cumar iyo Hormuudka Arrimaha ardayda ee Jaamacada Raage iyo Xubno kaloo uu ka hadlay dadaalka ay Jaamacaddu u gashay Qabashada Imtixaankan iyo soo dhaweynta ay ugu talo-gashay Ardayda Cusub ee kusoo biiraysa.

Imtixaanka maanta ayaa waxaa kormeerayey Mas’uuliyiinta iyo Macallimiinta ka howlgala Jaamacada Banaadir; kuwaasoo kusoo Wareegay Fasallada lagu Qaadayay iyagoo u kuur-galayay Qaabka uu u socday imtixaanka, Waxayna Ardayda Tilmaamo iyo Tusaalooyin ka siinayeen qaabka imtixaanka loo galayo.

Ugu dambeyn, Sanad kasta xilligan oo kale Jaamacadda Banaadir waxaa kusoo biira arday fara badan oo soo Dhameysatay Waxbarashada Dugsiyada sare ee waddanka, waxaana taas bedelkeed ka Qalin-jebiya arday kale oo muddo sannado ah wax ka baranayey kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya