4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 27, 2015
Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna oo Heshiis Awood-qaybsi ah ku kala Saxiixday Cadaado


Khamiis, Ogoosto 27, 2015 (HOL) — Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud ayaa waxaa Maanta Heshiis Awood-qaybsi ah ku kala Saxiixday Maamulka KMG ee Galmudug iyo Ururka Ahlusunna Waljameeca oo ay maalmihii u dambeeyay u socdeen Wadahadallo.

Heshiiskan ayaa ka kooban dhowr qodob, wuxuuna ku qotoma sidii Maammulka Ahlusuna Waljamaaca ay qayb uga noqon lahayd Maamulka Galmudug ee Magaalada Cadaado lagu dhisay bishii lasoo dhaafay ee July.

Qodobbada ku xusan Heshiiskan ayaa waxaa ka mid ah inay Ahlu-sunna xubno ku yeelato Golayaasha Maamulkan sida; Xildhibaanada, Wasiirada, Agaasimayaasha iyo Maamullada Goballada iyo Degmooyinka uu ka taliyo maamulkaas.

Sidoo kale, Qodobbada heshiiskan ayaa waxaa ka mid ah; in Maamulka Ahlusunna ay 30% ku yeeshaan xildhibanada Baarlamaanka Galmudug, sidoo kalena ay 4% yeeshaan xubnaha Golaha Wasiirrada Cusub ee uu soo dhisayo Madaxweynaha Galmudug.

Dhanka Galmudug ayaa waxaa heshiiskan u saxiixay Madaxweynahooda, C/kariin Xuseen Guuleed, halka Ahlusunna Waljamaaca uu Heshiiska u Saxiixay Guddoomiyaha Seddexda Gole ee Ahlusunna, Sheekh Ibraahim Guureeye.

Wixii kasoo kordha Heshiiskan Waxaad kula Socon doontaan Wararka soo Socda ee HOL haddii ALLE ogolaado

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya