4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 27, 2015
Musharaxad Faadumo Cali Madar oo Soomaalida ku nool Norway weydiisatay codkooda (DAAWO)


Khamiis, Ogoosto 27, 2015 (HOL) — Waxaa Wadanka Norway 14-ka September, 2015-ka ka dhacaysa doorashadii golaha deegaan dalkaas, waxaana xubnaha u tartamaya ka mid ah Faadumo Cali Madar oo gabadha keli ah ee Soomaalida ah ee Xisbiga Shaqaalaha ee dalka Norway ka sharraxan.

Faadumo Madar oo mar labaad u sharraxan doorashada golaha deegaanka Magaalada Oslo, waana Gabar Somaaliyeed ee liiska Xisbiga Shaqaalaha (AP) ugu jirta meelaha lambarrada ugu sarreeya iyadoo lambarkeedu yahay [40].

Faadumo waa Siyaasad reer Norway ah oo si  aad ah  ugu dhuun-daloosha. Waxbarashada waxay Dugsiyada Hoose, Dhexe, Sare iyo Jaamacadba ku dhameysatey Norway, waxay ka shaqeysaa Jaamacadda Oslo; qaybteeda ICT oo ay mas’uul ka tahay.

DAAWO: Warbixin Murashaxadda Golaha Degaanka Oslo; Faadumo Cali Madar;


Sidoo kale, Faadumo waxay Hormuud u tahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Norway oo ay kawada shaqeeyaan sidii dadka Soomaaliyeed ee ku Nool dalka ay isugu xirnaan lahaayeen oo ay u iliaashan lahaayeen dhaqankooda iyo weliba sharaftooda.

Waxay Faadumo caawisaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas; gaar haan kuwa laga qaado caruurtooda iyo kuwa kale ee haysta dhabaatooyinka; waxayna ugu dambeyn ka codsatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Norway inay ku siiyaan gacan sidii ay ugu guuleysan lahayd kursigaas Golaha Deegaanka Oslo.      

Ugu dambeyn, dhoorashadu waxay ku egtay 14-ka bisha Septtember ee nagu soo fool leh. Fadlan haddii aad ku nooshahay Norway cokaada sii Faardumo Cali Madar inta ka horeysa Taariikhdaas Faadumo oo ka tirsan Shaqaalaha/Arbeiderpartiet.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya