4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 27, 2015
XASAN SHIIKH: Xiligii Shabaab waa dhamaaday ee Waa inaan Gacmaha Isqabasanno (SAWIRRO)


Khamiis, Ogoosto 27, 2015 (HOL) —
Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida ayaa sheegay in Amniga uu weli yahay muhiimadda koowaad ee dalka, loona baahana yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka jeediyay degmada Diinsoor ee Gobolka Bay oo uu socdaal hal maalin ah shaley ku tagey, isagoo u hambalyeeyay Ciidammada Xoogga Soomaalia iyo kuwa AMISOM ee dhowaan degmadaasi ka saarey kooxda nabad diidka ee Al-shabaab.

“Guusha ay gaareen ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM waxaa uu ku yimid iskaashiga shacabka degaankan, waxaana loo baahan yahay in dagaalka meesha laga sii wado ilamaa kooxda cadowga laga saaro goobaha fara ku tiriska ah ee ay weli ku dhuumanayaan,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowladda Somalia oo kaashaneysa beesha caalamka ay ka shaqeyneyso in degaannada laga xoreeyay Al-shabaab, sida Diinsoor lagu soo celiyo Adeegyadii Asaasiga ahaa ee Shacabku u baahan yahay.

“Waxaan shacabka degaankan u sheegayaa in dowladda ay gacan buuxda idin ku siineyso dib u soo celinta adeegyada muhiimka ee aad u baahan tihiin. Waxaad xaq u leedihiin inaad soo dhisataan maamul aad leedihiin, ciidamo amniga suga iyo dhammaan xuquuqaha kale ee muwaadin kasta oo Soomaali ah ay tahay inuu helo. Waxaa tani ay qeyb ka tahay siyaasadda dowladda ee baahinta xukunka ama federaaleynta,’’ ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Mar uu ka hadlayay Al-shabaab ayuu Madaxweynuhu yiri. “Xilligii Al-shabaab wuu dhammaaday; mana soo noqon doonno, waxaan Allah ka sokoow uga mahad-celinaynaa Arrintaasi Ciidamada xoogga Somalia iyo kuwa AMISOM oo halkan (Diinsoor) Howsha ay ka qabteen iyo sida Al-shabaab oo ay xarun u ahayd uga saareen. Dalka intiisa badan ayay ka hagi jireen, xitaa Qaraxyada Xamar ka dhacaayay inta ayaa laga soo abaabuli jiray qaarkood, marka ma sahlaneen in Al-shabaab halkaan laga saaro, iyagana guul-darro aan la qiyaasi karin ayaa soo gaartay,” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia oo Safarka ay ku Wehlinayeen  Madaxweynaha maamulka KMG ee Koonfuur Galbeed Soomaaliya, Mudana Shariif Xasan Sheekh Aadan, xubno ka tirsan labada gole (Wasiirrada iyo Baarlamanka), qaar ka mid ah Taliyeyaasha ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya