4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 27, 2015
SAWIRRO: Bandhig Buugaageed Caalami ah kii ugu Ballaarnaa oo ka Furmay Muqdisho-Somalia


Khamiis, Ogoosto 27, 2015 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaaliya ayaa waxaa ka furmay Bandhiga Buugaageed Caalami ah oo loogu magic-daray (Mogadishu International Book Fair), kaasoo socon doona saddex maalmood.

Bandhig Buugaageedkan ayaa waxaa ujeeddooyinka waxaa la sheegay inay kala yihiin; Kobcinta Dhaqanka Qoraalka, Akhriska, Buuggaagta, Cilmiga iyo aqoonta.
Isku xirka hal-abuurka, abwaanka iyo Qoraaga Soomaaliyeed iyo in xilli mucayin ah iyo goor mucayin ah loogu dabbaaldago buugaagta iyo qoraaga Soomaaliyeed waa arrin kordhineeysa xiisaha loo qabo cilmiga iyo aqqoonta.

Sidoo kale, waxaa agu soo bandhigay goobta illaa iyo 3,000 oo buuggaag ah. Waxaa dadkii kasoo Qayb-galay ay kala kala yimaadeen Gudaha Soomaaliya, Gobolka Gobolka Geeska Afrika iyo Qurbaha, waxaana goobjoog ka ahaa illaa Qorayaal Soomaaliyeed ah.

Maalinta Jimacaha ah ee ku aaddan 28-ka Agoosto, 2015 ayaa lasoo gunaanadi doonaa; Waxaa Qaban-qaabada iyo fulintaba leh Ururka New Horizon oo ah urur dhallinyaro saldhiggiisuna yahay Muqdisho.

Aasaasaha New Horizon, Maxamed Sheekh Cali Axmed (Maxamed Diini) oo hadal ka jeediyay goobta ayaa yiri. “Waa guul u soo hoyatay inta Afka Soomaaliga ku hadasha. In la hanaqaado dhaqqanka buug-jaceeylka iyo akhriska wanaag iyo xasillooni, mid maskaxeed iyo nabadeed ayay tani keentay. Horumarka iyo hantida ugu qiimaha badan ee aan haysanno waa maskaxdeenna inaanu daryeelana waa waajib.”

Bandhiggan ayaa waxaa si rasmi ah u furay ku xigeen duqa Muqdisho ee Xagga Arrimaha Bulshada, Iimaan Xaaji IIkar oo bogaadin u jeediyay Carwada oo uu ku sheegay inay tahay mid dhiirri-gelin ah.

Martidii kasoo qaybgalay waxaa ka mid ah Prof. Cabdala Mansuur, Axmed Faarax Cali (Idaajaa), Jawaahir Faarax, Saynab Daahir, Sheekh Axmed Jowhari Bilaal, Maxamed Cumar, Maxamed Sheekh Xasan , Saciid Cali Shire, Maxamed C/llaahi Cartan iyo Hashim Ducaale.

Ugu dambeyn, Bandhiggan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa noociisa oo lagu qabto Magaalada Muqdisho; iyadoo inta uu socdo bandhiggan carwada ay dadka ka qaybgalaya ka iibsan doonaan buugaag afaf kala duwan ku qoran.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya