4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 26, 2015
Minnesota: Shirkii 14-aad ee Golaha Imaamyada oo Xirmay iyo Qodobo kasoo baxay (SAWIRRO)


Arbaco, Ogoosto 26, 2015 (HOL) — Shirkii Golaha Imaamyada Soomaaliyeed Waqooyiga Ameerika ee Sanadlaha ahaa ayaa Sannadkan lagu qabtay Xarunta wayn ee Abuubakar ee Magaalada Minneapolis, Shirkaasoo ahaa, kii 14-aad.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb-galay ku dhawaad 100 xubnood oo isugu jiray  Imaamyada iyo maamulada Maraakista/Masaajida uu ka kooban yahay Golahaan, Xubnahaasoo Golaha Shuurada ah oo la Doorto Saddexdii Sanaba Hal mar. Waxaana Shirka Sannadkan Sharaf u ahayd inuu kasoo Qayb-galay Sh. Yusuf Aadan oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed iyo Aabayaasha Dacwada Islaamka ee Soomaaliya. Sidoo kale shirka waxaa kasoo Qayb-galay marti sharaf kale iyo Saxaafadda.

Shirka Sannad kan ayaa looga Hadlay Arrimo Muhiim ah oo Marka la koobo Noqon karta, sidii loo hormarin lahaa dacwada kasocota North Amerika, isla markaasna loo ilaalin lahaa Qiyamka ay leedahay Ummada Soomaaliyeed. Sidoo kale Kukankaan ayaa waxaa laga soo saaray Bayaan iyo qodobo muhiim ah oo meelo badan taabanaya.

Qodobada shirka looga hadlay Waxaa ka mid ahaa, Warbixno laga dhagaystay mas'uuliyiin  ka socotay 27 xarumood/masaajid oo hadda Majlisku marayo, sida; Horumarada Dacwada iyo Caqabadaha haysta, Masaajiddii Horay loo iibiyay oo Dhismay iyo kuwa kale ee aan la dhamaystirmin weli. Tayeynta iyo Horumarinta Dacwada guud ahaan,  Barnaamij loo soo gaabiyo CVE, (Ka-hortagga Argagixisada Cunfiga ku dhisan) Sheekh Maxamed Idris iyo culummo kale oo Maraykanka maxkamad uga socoto, arintooda, Doorashada labada gole ee Goluhu ka koobanyahay, fulinta iyo Shuurada oo sanadkan doorashadoodu dhacday, sidii loo dar dargalin lahaa ka illaalinta da’yarta iyo qoysaska Soomaaliyeed ee Maraykana ku nool oo khataro badan baylah u ah iyo sidii loo hormarin lahaa dhaqaale ahaan, maamul ahaan iyo Waxqabad Ha’yadan wayn ee Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga America ee ay ku midaysanyihiin kudhawaad 30 marakas oo ku yaala inta badan gobolada ay Soomaalidu kadagantahay Dalkan Maraykanka.

Qodobadii laga Hadlay Qaar ka mid ah;

1. Sanadkaan waxaa ladoortay Golaha shuurada ee sadexda sano ee soo socota xilka hayn doonta, waxayna kala yihiin sidan; Sh. Cabdiraxmaan Sh. Cumar Gudoomiye, Sh. Axmed Nuur kuxigeen, Sh. Yusuf Cabdulle xoghayn, Sh. Cabdullaahi Nuur (Abul Fadli) Xiriirka bulshada, Naasir Warsame Khasnaji.

2. Golaha Fulinta waxaa Gudoomiye loo magacaabay Sh. Xasan Mohamed Jaamac (Sh. Xasan Dhooye) oo uu badalay Sh. Abul Fadli oo tobon sano horay u hayey xilkaas.

3. CVE barnaamijkan ayaa falan qayn dheer kadib la go’aan saday inuusan mushtamaceena faa’iido u lahayn, ayna dhici karto in dhibaato kasoo gaarto hadii la hirgaliyo, sidaa daraadeedna inaan Golahu qayb ka noqon barnaamijkaas. CVE waa barnaamij tijaabo ah oo ay wado dowlada Fedaraalka Marayka, tusaale ahaan gobolkan Minnesota waxaa barnaamijka wada oo Soomaalida u keenay Xeer ilaaliyaha  guud ee gobalka, laamaha amnigana ay hoostagaan, barnaamij kaasoo ku wajahan dadka kasoo jeeda qaar ka mid ah waddamada agragixisada ay ka howl gasho, sida; Soomaaliya.

Barnaamijkan ayaa waxaa ka biyo diiday kana hor yimid ha’ydo waawayn oo u dagaalama xuquuqda dadka rayidka ah sida;Council on American–Islamic Relations (CAIR) iyo American Civil Liberties Union (ACLU) Golohuna wuxuu cadeeyey inuu hay’adahaas la mowquf yahay.

4. Sheekh Maxamed Idris Maxkamadiisa oo dhacaysa 21 September 2015 kana dhacaysa magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa la go’aan saday in Sheikha la is garabtaago dhinacwalba, Maraakistana waxaa lagu wargaliyey in mushtama Soomaaliyeed lagu dardar galiyo sidii ay Sheikh Maxamed isu garab taagi lahaayee,  waxaa maraakista laga codsaday inay mushtamaca ku wargaliyaan sida Sheikha isu garab taagi lahaayeen. Sidoo kale waxaa la isu garabtaagay,  lagana dhagaytay warbixin Sh. Maxamed Kaariye oo isna Maxkamad kusocoto. 

5. Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay lana go’aansaday, sidii hay’adan wayn ee golaha Imaamyada loo hormarin lahaa dhaqaale ahaan iyo tayeyn ahaan dhinackasta. Hay’adan Golaha Imaamyada ayaa mudadii 15-sano ee ay jirtay ku mashquulsanayd dhisida iyo hirgalinta in ku dhow 30 masjid oo iyada hoostaga iyo barnaamijyo kale oo badan, sanadaha soo socda ayaa xooga la saari doonaa in la kordhiyo waxqabadka hay’adan maadaama baahida mushtamaca ay ka balaarantahay Masaajid.

Ugu danbayntii shirka ayaa laga soo saaray bayaan, taabanaya meelo badan loogana hadlay arimo khuseeya ummada Soomaaliyeed dal iyo dibadba, shirka waxaa abaal marin fara badan lagu gudoon siiyey Sh. C/llaahi Abul Fadli looga mahad celiyey shaqada wanaagsan ee uu soo qabtay mudadii uu xilka hayey. Sidoo kalena 5 xubnood ee shuuradii hore ayaa abaal marin lasiiyey.

Dhamaadkii Shirka Waxaa Saxaafadda lahadlay Gudoomiyaha Golaha Shuurada Sheekh Cabdiraxmaan Sh. Cumar, faah faahina ka bixiyey go’aanadii shirka. Sidoo kale waxaa Saxaafada lahadlay Sh. Xasan Dhooye oo ah Gudoomiyaha Fulinta ee cusub, isagoo ka warbixiyey dareenkiisa ku aadan xilkaan iyo waxqabadka uu maagan yahay mustaqbalka. Gabagabadii shirka ayaa lagu soo xiray duco iyo dar-daaran guud. Wufuudii oo ka kala timid in ku dhow 20 Gobol oo Mareykanka ku yaalla waxay ku laabteen Xarumahoodii.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis Minnesota