4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 26, 2015
Siilaanyo oo ka Qayb-galay Xaflada Qalin-jabinta Dufcadii 14-aad ee Jaamacada Camuud (Sawirro)


Arbaco, Ogoosto 26, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Max'ed Siilaanyo ayaa maanta ka Qaybgalay Qalin-jabinta Dufcaddii 14-aad ee Jaamacadda Camuud ee ku taala Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal, taasoo ay ka Qalin-jabiyeen in ka badan 863 Arday.

Weftigan uu madaxweynuhu hogaaminayo oo saaka ka anbobaxay magaaladda Hargeysa ayaa shahaadooyin gudoonsiiyey dufcaddii 14aad ee ka qalinjabisay jaamacadda Camuud, taas oo ay ka soo qaybgaleen waalidiintii ardayda, madax dhaqameedka, qaybaha kala duwan ee bulshadda iyo ardaydii munaasibadda loo qabanayey.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa halkaasi  uga soo jeediyey ardayda qalinjabinaysa inay Wax-barashadda sii wataan, isla markaana Aaminaan Dalkoodda Maadaama ay yihiin madaxdii Mustaqbalka soo socda.

Madaxweynuhu waxa uu u mahadnaqay madaxda sare ee jaamacadda, isagoo Jaamacada Camuudna ku tilmaamay mid taariikh weyn ku leh qaranka iyo shacbigaba, isaga oo hambalyo u diray Gudoomiyaha jaamacada Prof. Saleeban , maamulka iyo macalimiinta guud ahaan  jaamacada, waxaanu balan qaaday inay ka  xukuumad ahaan ka qeyb qaadan doonaan  kaalintooda  tayeynta Waxbarashada.

Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Prof: Saleebaan Axmed Guuleed oo warbixin guud ka siiyey madaxweynaha marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay jaamcadu iyo natiijada ka dhalatay dedaalkii ay sameeyeen oo ay maanta qalinjebinayaan ardaydii ugu horaysay ee Master Degree qaadatay, sanadkana ay ku talo jiraan inay bilaabaan PHD.

Saleebaan Axmed Guuleed waxa uu ku dheeraaday tayeynta iyo kaabida waxbarashada jaamacada camuud, taasi oo ka dhigtay jaamacadan qiimayn lagu sameeyey jaamcadaha guud ahaan meelaha af-soomaaliga lagaga hadlo, ay noqotay mid kaalinta koowaad ka gashay guud ahaan jaamacadaha sida qiimayntaasi lagu cadeeyey.

Waxaanu Guddoomiyuhu kula dardaarmay ardaydii ka qalinjebisay maanta jaamacada camuud oo tiradoodu dhantahay 863 Arday, inay dhawraan magaca jaamacada muujiyaana aqoonta ay soo barteen qaranka iyo bulshadana ay ugu adeegaan.

Waxa kaloo halkaasi ka hadlay masuuliyiin kala duwan, Waalidiin iyo Laba arday oo ku hadlaayey afka Ardayda qalinjebinaysay.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu shahaado sharaf gudoonsiiyey Ardaydii ka qalinjebisay kuliyaddaha kala duwan ee jaamacada camuud.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]   
Hargeysa, Somaliland