4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 26, 2015
Kooxo hubeysan oo Nabaddoon Caan ah ku Dilay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan


Arbaco, Ogoosto 26, 2015 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa maanta ku Dilay Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne Nabaddoon, Cumar Sheekh Cabdi Ra’iis oo ka mid ahaa Nabaddoonnada Gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal ayaa Sheegay in Saddex ruux oo dhallinyaro ah ay Nabaddoonka toogteen, kuwaasoo markiiba goobta ka baxsaday, waxaana goobta gaaray qaar ka mid ah Ciidamada Amniga Degmada Baladweyne, inkastoo aysan jirin cid ay u soo qabteen dilka Nabaddoon Cumar Ra’iis.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada dilka Nabadoonka oo aan la ogeyn sababta loo dilay, Wuxuuna Dilkaan ka mid Noqonaya Dilal Dhowr ah oo Bilihii lasoo Dhaafay ka dhacayay Baladweyne.

Toogashada Nabaddoon Cumar Sheekh Ra’iis ayaa noqonaya dilka nabaddoonkii Afaraad oo Magaalada Baladweyne lagu dilo, iyadoo Bishii Ramadaan Gudaheeda Laba ka mid ah Waxgaradka Gobolka Hiiraan lagu Toogtay Bartamaha Baladweyne.

Wixii kasoo kordha dilka Nabaddoonkan lagu Toogtay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxaad kula socon doontaa wararka soo socda ee HOL haddii Alle idmo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya