4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 26, 2015
Nin Hubeysan oo Mareykanka ku Toogtay Laba Wariye oo Tabinayay Barnaamij TV oo Toos ah


Arbaco, Ogoosto 26, 2015 (HOL) — Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay laba Wariye oo u Shaqeynayay Telefishin Maxalli ah oo lagu Magacaabo WDBJ7, Xilli Wariyeyaashan ay tabinayeen barnaamij toos ah; iyagoo ku geeriyooday isla goobta lagu toogtay.

Weriyeyaashan oo kala ahaa War-tabiye iyo Filim-qaade ayaa Rasaasta lagu Furay Xilli ay Wareysi ka Qaadayeen Haweeney joogtay Goob laga Dukaameysto oo ku Taalla Roanoke oo ku taalla Koonfur-galbeed Gobolka Virginia.

Suxufiyiintan la Toogtay ayaa kala ahaa; Wariye Alison Parker oo 24-jir ahaa iyo Filim-qaade Adam Ward oo 27-jir ahaa. Iyadoo Ruuxii labada wariye toogtay uu markiiba goobta ka baxsaday.

“Ma ogin hadda Sababta loo dilay Wariyeyaasheenna; Mana garanayno ruuxii dilkooda ka dambeeyay,” ayuu yiri maamulaha guud ee TV-ga WDBJ7, Jeff Marks oo dilka kaddib ka hadlay Telefishinka.

Xilliga ay Toogashada Suxufiyiintan dhacaysay oo ahayd Aroornimadii hore ee Saakay oo Arbaco ah ayaa ku jiray Barnaamij Toos ah oo ku Wareysanayeen Haweeney Dalxiise ah; Waxaana Kaamirada laga Arkay Muuqaal yar oo ka mid ah ruuxa toogashada geystay oo dhar-madow xirnaa.

“Runtii waxaan maanta waynay Saaxiibbo aan wada-shaqeynanay; waxay ka mid ahaayeen wariyeyaasheenna kuwa ugu Fir-fircoon oo Shaqadoouna ay ahayd mid aad u Wanaagsan;” ayuu hadalkiisa ku daray Jeff Marks.

Ciidammo badan oo booliis ah ay soo gaaray halkii wariyeyaashan lagu toogtay, kuwaasoo aan ku guuleysan inay soo qabtaan ruuxii dilay, waxaana saraakiisha Booliiska Virginia ay sheegeen inay wadaan baaritaano lagu baadi-goobayo qofkii toogashadan geystay.

Ugu dambeyn, Wariyeyaashan la toogtay ee Parker iyo Ward oo ahaa wiil iyo gabar kasoo jeeda Gobolka Virginia ayaa la sheegay ku Gudo-jireen Qaban-qaabada sidii ay ku Aroosi lahaayeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya