4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 26, 2015
Guddoomiye ku Xigeenkii Degmada Balad-xaawo iyo taliyihii saldhiga Doolow oo lagu dilay dagaal


Arbaco, Ogoosto 26, 2015 (HOL) — Saraakiisha Ciidanka Dowladda Somalia ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Dagaal culus oo ku Dhex-maray Deegaanka Kabis oo Degmooyinka Balad-Xaawo iyo Garbahaarey u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia.

Mas'uuliyiinta lagu dilay dagaalkan ayaa kala ah; Guddoomiye ku Xigeenkii Balad-Xaawo, Maxamed Yacquub Faarax iyo Taliyihii Booliiska ee Dooloow, Col. Cabdi Culusoow, sida Warbaahinta uu u sheegay Col. Nuur Sayax Xareed oo ka mid ah Saraakiishii Hor-kacayay Ciidamadii Dowladda Somalia.

Wuxuu Sarkaalku hadalkiisa ku daray in Deegaanka Kabis oo uu dilka Ma’suuliyiintan ka dhacay ay soo weerareen xoogag ka tirsan Al-shabaab; ayna khsaaare Xooggan u geysteen; ayna kaga dileen 12 dagaalyahan.

Sidoo kale, Wararka laga Helayo Deegaanka Libaaxloow oo ka Tirsan Tuulo-barwaaqo oo 20-km u jirta Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo uu ku dhexmaray mar kale Dagaal culus Ciidamada Dowladda Somalia iyo Al-shabaab. Inkastoo aan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay Iska-horimaadkaas.

Taliyaha ciidanka Dowladda Somalia ee Gobolka Gedo, C/llaahi Yare oo isna u Warramay Warbaahinta ayaa sheegay in iska-horimaadkan uu dhacay xilli ay ka wadeen deegaankaas ciidamada dowladda baaritaano; isagoo intaas ku daray inay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee Gobolka Gedo ka socda.

Ugu dambeyn, Ciidamada Dowladda FS iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii u dambeeyay Gobolka Gedo ka waday Hawlgallo ka dhan ah Al-shabaab, iyadoo ay xusid mudan tahay in Hawlgalladaasi lagu qabtay degaanno ka tirsan Gobolkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya