4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 26, 2015
Kenya oo sheegtay inay maqan yihiin Boqolaal dhallinyaro ah oo laga daayay xabsiga Mombasa


Arbaco, Ogoosto 26, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Guddiga Ammaanka Gobolka Xeebta dalka Kenya ku yaalla, Nelson Marwa ayaa sheegay in la layahay 200 oo dhallinyaro ah oo laga sii daayay xabsiga Magaalada Mombasa, kuwaasoo horay loogu tuhunsanaa inay xiriir la leeyihiin yihiin Al-shabaab.

Dhallinyaradan ayaa la xiray kaddib markii booliska Mombasa ay howlgallo ka sameeyeen Masaajiyada; Minaa, Swafaa, Musa iyo Sakina Bishii September 2014-kii; Kuwaas oo tan iyo Xilligaas lagu hayay Xabsiga.

Sidoo kale, Dhallinyaradan ayaa laga sii daayay Xabsiga Shimo La Tewa; kaddib markii Waxgaradka iyo Siyaasiyiin Deegaanka ka tirsan ay dalbadeen in laga sii daayo xabsiyada.

“Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Mombasa ayaa xukuumadda ka dalbaday in laga sii daayo dhallinyaradan xasbiga, iyagoo balla-qaaday in dhaqan-celin loo sameyn doono. Laakiin hadda, waxaa dhashay walaal ah halka ay dhallinyaradan aadeen iyo howlaha ay ku lug leeyihiin, taasoo aan wax badan laga ogaan karin,” ayuu yiri Marwa.

Nelson Marwa oo hadalkan ka sheegay kulan looga hadlayay Ammaanka oo Isniintii lasoo dhaafay ka dhacay Mombasa, isagoo Weydiistay Waalidiinta inay Caddeeyaan halka ay ku maqan yihiin carruurtooda maqan.

“Markii la xirayay boqollaalkan dhallinyarada ah waxay haysteen bambooyin iyo hub kale waxayna ahaayeen kuwo ay Al-shabaab soo tababartay markii Xabsiga la dhigayay. Balse markii la sii daayay waa la waayay, marka waalidiinta waa in ay runta noo sheegaan,” ayuu yiri Marwa.

Dhanka kale, Marwa oo ah Madaxa Guddiga Amniga gobolka Xeebta–Kenya ayaa sheegay in Haatan ay Xukuumaddu si dhow ula Soconayso Dhallinyarada ku jira Iskuullada, kaddib markii la helay Fariimmo sheegaya in Al-shabaab ay Wado Qorshayaal ay Dhallinyaradaas ciidammo uga dhiganayso.

“Maamulayaasha Iskuullada iyo Macallimiinta waa inay la socdaan dhaqdhaqaaqa ardayda. Waayo waxaan doonaynaa in la ogaado meesha ay Aadaan marka ay iskuullada ka tagaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Nelson Marwa.

Sarkaalka ayaa Sheegay in Kooxaha Dhibaatooyinka ka geysanaya Xaafadda Majengo iyo qaybta duqowday ee Mombasa ay kala yihiin; Nasir Sogomo iyo Luqman Khatib.

Ugu dambeyn, Marwa wuxuu shaaca ka rogay Magacyada Xubno uu sheegay in ay Khatar ku yihiin Amniga Gobolka Xeebta Dalka Kenya ku yaalla, kuwaasoo uu ka Xusay; Nurdin Khamisi iyo Jamal Rashid ayna yihiin kuwo ay ciidamadu daba-gal ku hayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya