4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 26, 2015
RW ku Xigeenka XFS oo Muqdisho kula Kulmay Wafdi ka Socday Midowga Yurub (SAWIRRO)


Arbaco, Ogoosto 26, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Somalia, Maxamed Cumar Carteh iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid yihiin; Wasiirada Ammaanka, Waxbarashada, Qorshaynta, Diinta iyo Ow-qaafta, Warfaafinta iyo Deegaanka ayaa maanta kula kulmay Muqdisho Wafti ka socda Midowga Yurub oo uu Hoggaaminayo Madaxa Siyaasadda iyo Xiriirka ee Ururka Midowga Yurub, Tom Vens.

Waftigan ayaa Ujeedadiisu ahayd sidii Somalia ay looga caawin lahaa dhinacyada Amniga, ka hortaga tahriibka iyo Waxbarashada, taasoo lagu salaynayo baahiyaha ay Wasaaraduhu soo gudbiyaan.

Kulanka oo uu ka hadlay RW ku xigeenka Somalia ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Ahmiyad weyn siinayso sidii Tahriibka looga hor-tagi; kaasoo uu sheegay inuu dhibaato ba’an ku haysa dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Madaama ay Soomaaliya ka jirto shaqo la’aan ay Sababeen colaadihii sokeeye soo maray dalka iyo Dhibaatooyinka Xag-jirnimada Waxaa Sannad kasta sii kordhaya dhallinyarada u tahriibaya wadamada fog, iyagoo la kulmaan dhibaatooyin kala duwan qaarkoodna ay ku waayeen Naftooda Xeebaha u Dhaxeeya Liibiya iyo Yurub,” ayuu yiri RW ku xigeenka.

Dhanka kale, Xubnaha wafdiga ayaa ballan-qaaday inay muhiimada koowaad siin doonaan sidii Dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa shaqo abuur loo sameeyo Dhallinyarada si ay ugu Nagaadaan Dalkooda.

Ugu dambeyn, Xubnahan ayaa Sidoo kale ballan-qaaday in Midowga Yurub ay Gacan ka geysan doonaan sidii fursado loogu Abuuri lahaa Gobollada Dalka iyo Deegaannada laga Xoreeyay Al shabaab.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya