4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 26, 2015
CABDI MAXAMUUD CUMAR: Somalia Waxaa Naga Jooga Ciidamo Dagaal kula jira Al-shabaab


Arbaco, Ogoosto 26, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay inay ciidamada deegaankiisa ee loo yaqaanno Liyuu Booliiska ay ku sugan yihiin gudaha Somalia, ayna kula Dagaallamayaan Al-shabaab.

Maxamuud ayaa xusay in ciidankooda ay xilliga ka Hawlgalayaan Gobollada Hiiraan iyo Bakool, isagoo Xusay inay qayb ka yihiin Ciidamada Caawinaya Dowladda Soomaaliya; maadaama sida uu sheegay ay jiraan xaalad Amni-darro oo kaga imaan karta Al-shabaab.

“Ciidamadeenna Liyu-booliis-ka ah waxay la Dagaallamayaan Xoogagga Al-shabaab ee Somalia, Waxayna joogaan Gobollada Hiiraan iyo Bakool," ayuu yiri Cabdi Maxamuud Cumar.

Sidoo kale, Madaxweynaha DDS ee dalka Itoobiya ayaa hoosta ka xariiqay inay guulo ka gaareen ciidamadiisu dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, ayna dhabar-jabiyeen kooxaha kasoo Hor-jeeda amniga Gobolka, isagoona xusay inay Qorsheynayaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen in laga saaro Al-shabaab deegaanno ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

Hadalkan ayuu Madaxweynaha DDS Itoobiya Cabdi Maxamud Cumar wuxuu ka sheegay Shirwaynaha 12-aad ee Ururka TPLF oo ka dhacay xarunta Gobolka Tigray ee Magaalada Maqale.

Ugu dabmeyn, Dowladda Faderaalka Somalia ayaa qirtay inay joogaan Somalia Ciidammo ka socda Itoobiya oo aan qayb ka aheyn Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, laakiin u jooga sidii ay u caawin lahaayeen Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya